Sheekh Nuur Baaruud Gurxan oo u dhintay Covid-19

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Sheekh Nuur Baaruud Gurxan oo kamid ah Majmaca Culimada Soomaaliyeed ayaa xalay magaalada Muqdisho ugu geeriyoodey safmarka Coronavirus.

Sidda ay warsidaha Garowe Online u sheegeen xubno kamid ah qoyskiisa, marxuumka oo maalmihii lasoo dhaafay ku jiray Isbitaal Martiini ayaa dhintay fiidnimadii Talaadadda.

Afhayeenka Majcaha Culimada Soomaaliyeed, Sheekh Bashiir Nuur Salaad oo u waramay laanta afka Soomaaliga ee BBC-da, ayaa tacsi u diray ehelka iyo asxaabta marxuumka.

Sheekh Bashiir oo ammaanay shaqsiyadda marxuumka ayaa daaha ka rogay in qorshuhu yahay in Arbacada maanta ah lagu aaso mid kamid ah qabuuraha magaalada Muqdisho.

Dhanka kale, madaxweyne Farmaajo, qaar kamid ah hogaanka maamuladda waddanka, musharaxiinta iyo siyaasiyiin kale ayaa kamid ah dadka ka tacsiyeeyey geerida marxuumka.

"Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane a Siciid Cabdullahi Deni oo ku hadlaaya magaciisa, kan shacabka Puntland iyo kan Dowladdaba waxa uu ka tacsiyaynayaa geerida Alle naxariistii Janno haka waraabiyee Shiikh Nuur Baaruud Gurxan oo caawa ku geeriyooday Muqdisho," ayay Madaxtooyadda Puntland tiri.

Qoraalka ayaa lagu daray: "Madaxweynaha Puntland waxa uu tiiraanyada geerida Shiikha la wadaagayaa, Culimada Soomaaliyeed, Ehelkiisii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo Qoyskii uu ka baxay marxuumku, waxa uu Alle uga baryayaa inuu dembigiisa dhaafo, su’aasha qabriga u sakhiro , Jannatul fardawsana ka waraabiyo, samir iyo iimaanna ka siiyo eheladiisii".

Mawjadaha labaad ee fayruska Corona ayaa u muuqda mid dib ugu soo laba-kacleeyay gudaha Soomaaliya xilli waddanka uu isku diyaarinayo doorashooyinka aan wali lagu heshiin.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh: Israa’iil amar la'aantay cagta masoo dhigi karta Soomaaliya

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ugu dambeyn ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed inay ilaashadaan midnimada iyo wadajirka.

  • Soomaliya

    04-07-2026

  • 01:15PM

Xamza: Dowladda Federaalka ma joojin doonto ciidamada ay qoranayso Puntland

Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu sidoo kale ku eedeeyay Madaxweynaha dowladda Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni.

  • Soomaliya

    04-07-2026

  • 12:13PM