Sheekh Shaakir oo shaacisay mowqifkiisa doorashadii Qoor-qoor

Image

DHUUSAMAREEB, Galmudug - War-saxafadeed goordhow kasoo baxay xafiiska "madaxweynaha" Galmudug, Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan, ayaa looga hadlay xaaladda maamulkaas.

Bayaanka, oo nuqul kamid ah uu arkay warsidaha Garowe Online, ayaa lagu caddeeyay "in uusan aqoonsaneyn doorashadii caasimada Galmudug ka dhacday 02/2/2020".

Doorasho ay garwadeen ka ahayd Dowladda Soomaaliya oo taariikhdaas ku qabsoontay magaalada Dhuusamareeb waxaa kusoo baxay Axmed Cabdi Kaariye "Qoor-qoor".

Dhanka kale, warka qoraalka ah ayaa lagu beeniyay "barabagaandada" dowladdu faafisay oo ku saabsan "in ay bilowdeen wadahadalo lagu xalinayo tabashooyinka jira".

Beesha Caalamka ayuu kaga mahadceliyey dedaalada ay muujiyeen si gaar ah dhex-dhexaadin ay isku dayeen in ay dhinacyadda is haya ugu kala dab-qaadaan.

Ka shaqeyta midnimada iyo dagaalka Al-Shabaab ayuu caddeeyay in ay kamid yihiin qorsheyaashiisa hor-tabinta leh, isagoo ku adkeystay in uu yahay "madaxweynaha Galmudug".

Ugu dambeyntii, laamaha ammaanka ayuu faray in aysan ku milmin siyaasadda. Sidoo kale, maamuleyaasha iskuulada ayuu ku waaniyey in ardaydooda aan loo adeegsan "arrimo siyaasadeed".

Hoos ka akhriso qoraalka

GAROWE ONLINE

Related Articles

Duuliye diyaaradiisa ku dejiyay xeebta Muqdisho si uu u badbaadiyo rakaabka

Muuqaallo lagu baahiyay baraha bulshada ayaa muujinaya rakaab ka degaya diyaaradda kuna socdaalaya xeebta.

  • Soomaliya

    10-02-2026

  • 07:46PM

Fahfaahin: Diyaarad siday 55 qof oo ku dhacday xeebta Muqdisho

Sawirro laga soo qaaday goobta ayaa muujinayay diyaaradda oo taalla ciidda xeebta, meel ka baxsan xeyndaabka garoonka Aadan Cadde.

  • Soomaliya

    10-02-2026

  • 12:17PM