Sheekh Shariif oo baaq kasoo saarey qalalaasaha HirShabelle

Image
Madaxwaynihii hore ee Soomaaliya ayaa warbaahinta la hadlay kadib la kulanka Xasan Sheekh maxamuud.

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxwaynihii hore ee dowladda Soomaaliya, Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa waxa uu la hadlay saxaafadda isaga oo ka waramay xaalada guud ee dalka.

Shariif ayaa ku baaqay in la joojiyo dagaal beeleedyadda ka taagan qeybo kamid ah dalka gaar ahaan Shabeellaha Dhexe, isaga oo siyaasiyiinta ku waaniyay in ay joojiyaan kicinta.

Dagaalka Al-Shabaab ayuu soo jeediyay in loo midoobo isla markaan dhinac la iska dhigo dhamaan arrimaha kale oo ay kamid tahay khilaafaadka siyaasiga ah.

Mar uu soo qaadey xaalada siyaasadeed ee HirShabelle, Shariif ayaa yiri: "HirShabelle beryahan culeys ayaa ka jira, waxaan rabnaa howsha in dhulka la dhigo oo laga wadahadlo; fadhi iyo wadatashi in lagu turxaan-bixiyo ayaan ku baaqeynaa".

Dhanka kale, Villa Soomaaliya ayaa faafisay qoraal iyo sawirro ay ku sheegeyso in ay ku kulmeen madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Shariif waxyar kadib hadalkan.

"Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Madaxtooyada Qaranka ku qaabilay Madaxweynihii hore ee dalka Mudane Shariif Sheekh Axmed," ayay tiri Villa Soomaaliya.

Qoraalka ayaa intaas ku daray: "Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa la wadaagay Madaxweynihii hore xaalada dalka iyo dadaallada dowladdu ay ku bixinayso xoreynta dalka iyo halganka ciidamada iyo shacabka Soomaaliyeed ay ku jiraan ee argagixisada Alshabaab lagu cirib tirayo".

"Dhankiisa, Madaxweynihii Hore ee dalka Mudane Shariif Sheekh Axmed ayaa uga mahadceliyey Madaxweynaha Jamhuuriyadda kulankan wadatashiga iyo soo-dhaweynta ah ee uu ugu fidiyey Madaxtooyada, waxa uuna u rajeeyey dowladnimada iyo shacabka Soomaaliyeed horumar iyo midnimo," ayaa lagu soo xiray bayaanka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM

Xamse Cabdi Barre oo Al-Shabaab Usoo Bandhigay Wadahadal Shuruud ku xiran

Wuxuu sheegay in dowladda mar walba diyaar u tahay wada-hadal haddii Al-Shabaab ay qaaddo tallaabo dhab ah oo ku wajahan wadahadalka.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 01:52PM