​Sheekh Shariif oo codsaday in la doorto [Dhagayso]

Image

MUQDISHU, Somalia- Madaxweynihii hore Somalia Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo mar kale jagadaas u tagaan ayaa ka codsaday Xildhibaanada Somalia inay doortaan kadib xilli uu galabta warbaahinta kula hadlayay magaalada Muqdishu.

Shariif, ayaa xusay inuu isu arko shakhsiga ku haboon xilka Madaxweynaha islamarkaan waxbadan dalka ka qaban doono isagoo xusay in dadaal dheer kadib barri loo dareeri doono doorashada Madaxweynaha Somalia.

“Waxaa ka codsanayaa Xildhibaanada Golaha shacabka iyo Aqalka sare, inay i doortaan, anigoo ku qanacsan inaan ahay, mas’uulka ku haboon marxalada hada la joogo, ka shaqeyn doona amniga, xoojinta dowladnimada, wada jirka shacabka iyo madax banaanidooda,”Ayuu yiri Musharax Madaxweyne Shariif Sheekh Axmed.

Shariif ayaa sheegay in doorashada ka rajaynayaan inay noqoto mid ku dhacda qaab cadaalad ah islamarkaana ka maran musuq iyo wax is-dabo marin.

Murashax ayaa sidoo kale ka hadlay arrinta abaaraha ka jira Somalia, isagoo baaq u diray beesha caalamka iyo shacabka Somaliyeed oo ka codsaday inay ka shaqeeyaan sidii loo taakulayn  lahaa dadka tabaalaysan.

Hadalka Shariif ayaa yimid xilli lagu tirinayo inuu kamid yahay murashaxiinta ugu cad-cad ee u taagan xilka qabashada Madaxweynaha Somalia, taaso la filayo inay barri ka dhacdo xarunta Afesiyone.

GAROWEONLINE

Related Articles

Xiisad Ka Taagan Bartamaha Soomaaliya kadib Markii Al-Shabab la wareegtay Degmo muhiim ah

Si looga jawaabo weerarkaasi, dagaalyahanada Macawiisleey, oo ah maleeshiyo bulsho oo taageerta dowladda federaalka.

  • Soomaliya

    17-07-2025

  • 11:16AM

Xasan Shiikh oo ka soo muuqdey Antalya xilli Soomaaliya ay wajahayso qalalaase amni iyo siyaasadeed

Sawirkan oo aad loogu falceliyay baraha bulshada, ayaa yimid xilli dalka…

  • Soomaliya

    17-07-2025

  • 01:47AM