​Sheekh Shariif oo codsaday in la doorto [Dhagayso]

Image

MUQDISHU, Somalia- Madaxweynihii hore Somalia Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo mar kale jagadaas u tagaan ayaa ka codsaday Xildhibaanada Somalia inay doortaan kadib xilli uu galabta warbaahinta kula hadlayay magaalada Muqdishu.

Shariif, ayaa xusay inuu isu arko shakhsiga ku haboon xilka Madaxweynaha islamarkaan waxbadan dalka ka qaban doono isagoo xusay in dadaal dheer kadib barri loo dareeri doono doorashada Madaxweynaha Somalia.

“Waxaa ka codsanayaa Xildhibaanada Golaha shacabka iyo Aqalka sare, inay i doortaan, anigoo ku qanacsan inaan ahay, mas’uulka ku haboon marxalada hada la joogo, ka shaqeyn doona amniga, xoojinta dowladnimada, wada jirka shacabka iyo madax banaanidooda,”Ayuu yiri Musharax Madaxweyne Shariif Sheekh Axmed.

Shariif ayaa sheegay in doorashada ka rajaynayaan inay noqoto mid ku dhacda qaab cadaalad ah islamarkaana ka maran musuq iyo wax is-dabo marin.

Murashax ayaa sidoo kale ka hadlay arrinta abaaraha ka jira Somalia, isagoo baaq u diray beesha caalamka iyo shacabka Somaliyeed oo ka codsaday inay ka shaqeeyaan sidii loo taakulayn  lahaa dadka tabaalaysan.

Hadalka Shariif ayaa yimid xilli lagu tirinayo inuu kamid yahay murashaxiinta ugu cad-cad ee u taagan xilka qabashada Madaxweynaha Somalia, taaso la filayo inay barri ka dhacdo xarunta Afesiyone.

GAROWEONLINE

Related Articles

Xildhibaano iska casilay Baarlamaanka Maamulka fadhiya Laascaanood 

Wuxuu sheegay in sababta ay u qaateen go’aanka is-casilaadda ay tahay iyagoo aaminsan in maamulka uu ka leexday ujeeddadii loo dhisay.

  • Soomaliya

    26-07-2026

  • 10:21AM

Villa Somalia oo Wajahaysa Isbeddel Amni xili uu dhamaanayo howlgalka Midowga Afrika

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maalmihii la soo dhaafay kulamo la yeeshay saraakiisha sare ee dhinaca amniga.

  • Soomaliya

    25-07-2026

  • 12:29PM