Sheekh Shariif oo hogaamiye loogu doortay Xisbiyo midoobay

Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Madaxweynihii 7aad ee Soomaaliya, Sheekh Shariif Axmed, ayaa loo doortay hogaamiyaha madal looga dhawaaqay Muqdisho, caasimada dalka dhaca Geeska Afrika.

Madasha Xisbiyadda Qaran ayaa waxaa ku midoobay xisbiyada; Himilo Qaran, UPD [Midowga Nabadda iyo Horumarka], Ileys, NPP, Kulan iyo Xisbiga Nabadda.

Prof. Maxamed Cabdi Gaandi, guddoomiyaha Xisbiga Nabadda, iyo Shariif Xasan Sheekh Aadan, Madaxweynihii hore ee Maamulka Koonfur Galbeed, ayaa loo xushay ku xigeenadda Shariif.

Doorashadda Shariif, hogaamiyaha xisbiga Himilo Qaran, ayaa timid markii uu tanaasulay Xasan Sheekh Maxamuud, madaxweynihii 8aad ahna hogaamiyaha xisbiga UPD.

Isaga oo ka hadlaya shir jaraa'id, Shariif oo cod dheer wuxuu ugu mahadceliyay dhamaan xubnaha dooratay ayaa farxad ka muujiyey.

Sababta loo aas-aasay madashaan ayuu ku qeexay in la abuuro jawi siyaasadeed oo lagu tartamo oo ku dhisan nidaam iyo is-ixtiraam. Si lamid ah in laga gudbo nidaamka qabiilka ku dhisan ee 4.5.

"…loona gaaro marxalad baahsan oo aas aaskeedu yahay dadku inay isku raacaan aragti siyaasadeed," ayuu hadalkiisa ku daray Shariifka.

Dhinaca kale, Shariif ayaa sheegay in xukuumadda taladda haysa looga baahan yahay in ay xaqiijiso in doorashadda soo aadan ay noqoto mid lagu heshiiyey oo ay u dhan tahay saamileyda.

"...markii Xasan Sheekh joogay wuxuu rabay doorashada in lagu qabto School Polizio, anagaa ka diidnay, waayo Taliyihii Booliska ayaa taageersanaa, wuuna aqbalay in aan lagu qaban doorashada School Polizio," ayuu xusay.

Coddeynta Soomaaliya ee 2020-ka ayaa lagu rajo wayn yahay in ay noqoto qof iyo cod, wallow shaki laga gelinayo, haddana dowladda waxay ku adkeysaneysaa in ay qaban doonto.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Duqeymaha Cirka ee Mareykanka oo Sare u Kacay Soomaaliya Bilowgii 2026

War-saxaafadeedka AFRICOM ayaa lagu sheegay in duqeyntii ugu dambeysay lala beegsaday dagaalyahanno ka tirsan Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    03-04-2026

  • 09:10AM

Hoggaamiye Ku-meel-gaar ah oo loo magacaabey Maamula Koonfur Galbeed

Magacaabistan ayaa ku soo beegmeysa xilli warar soo baxaya ay tilmaamayaan in Madaxweynaha Soomaaliya.

  • Soomaliya

    02-04-2026

  • 07:53AM