Sheekh Shariif oo ka digay "muddo kororsi aan lagu heshiin"

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweynihii 7aad ee Soomaaliya, Shariif Sheekh Axmed, ayaa ka digay in madaxda dowladda federaalka ee waqtiga ka dhamaadey in ay ku dhiiradaan "muddo kororsi aan lagu heshiin".

Guddoomiyaha Midowga Musharaxiinta oo Isniinta maanta ah warbaahinta kula hadlay Huteel Jazeera ee magaaladda Muqdisho ayaa xusay in talaabadaas ay horseedeyso xasilooni darro siyaasadeed iyo mid amni.

"Muddo kororsi waa jirayaa laakiin waa in ay noqotaa mid lagu heshiiyey. Waxaan ka digeynaa kororsi aan lagu heshiin," ayuu Shariif yiri kadib kulan ay maanta yeesheen xubnaha Midowga Musharaxiinta.

Dhamaan hay'addaha dowliga ah ee waqtigooda dhamaadey si gaar ah xubnaha baarlamaanka federaalka ah ayuu cod dheer ugu tartarsiiyey in aysan ka qeyb-qaadan dheereysiga una diyaar-garoobaan doorasho.

Ciidamadda ammaanka ayuu ku waaniyey in ay u hogaan-samaan shuruucda waddanka isla markaana aysan fulin amarada ka hor-imaanaya sharciga ee ay siinayaan amdaxda muddo xileedka ka dhamaadey.

"Hadii aad fulisaan dambiyo ayaa ka dhalan doona," ayuu Shariif ku daray hadalkiisa isaga oo u muuqda mid digniin culus hawada u marinaya askarta iyo guud ahaan saraakiisha kala duwan ee ciidanka qalabka sida.

War-saxaafadeed wadajir ah oo Midowga Musharaxiinta ay soo saareen xalay ayay ku sheegeen in aysan Farmaajo u aqoonsaneyn madaxweynaha rasmi ah ayaga oo ku taliyey in la aas-aaso gole heer qaran ah.

Golahaas oo noqonaya mid kumeelgaar ah waxay sheegeen in ay xubno ka noqonayaan guddoomiyeyaasha labada aqal ee baarlamaanka, musharaxiinta, madaxda maamulada iyo ururada bulshada rayidka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Jubbaland iyo Danab oo Ku Dhow Inay Jamaame Kala wareegaan Al-Shabaab

Dadka deegaanka ayaa u sheegay warbaahinta in qaar badan oo ka tirsan dagaalyahannada Al-Shabaab ay dib ugu gurteen dhinaca Jilib.

  • Soomaliya

    20-11-2025

  • 11:38AM

Gollaha Wasiirrada Soomaaliya oo Ansixiyay Heshiisyo iyo Shuruuc Muhiim ah

Xildhibaanadu waxay kaloo oggolaadeen Axdiga Ururka Caalamiga ah ee Dayax-gacmeedka Guur-guura.

  • Soomaliya

    20-11-2025

  • 10:23AM