Sheekh Shariif oo ka hadlay Khilaafka Soomaaliya iyo Imaaraadka

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweynihii 7aad ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed, ayaa ka hadlay Khilaafka u dhaxeeya dowlada Federaalka iyo Imaaraadka Carabta.

Wareysi uu siiyay TV-ga Al Carabiya, ayaa Sheekh Shariif ku sheegay in labada dalka uu ka dhaxeeyo xiriir qoto dheer oo Taariikhi ah, islamarkaana aan loo baahnayn Khilaafka taagan inuu sii socdo.

Waxa uu ugu baaqay labada dowladooda inay qaab wadahadal ah ay ku dhameeyaan Khilaafka soo kala dhexgalay kaasi oo uu sheegay in hadii aan la xalin, uu saameyn xooggan ku yeelanayo shacabka Soomaaliyeed.

Sheekh Shariif ayaa ku amaanay dowladda Imaaraadka sida ay u garab istaagtey Soomaaliya xilligii adkaa, iyo taageerada joogtada ah ee uu siinayay dowladihii ugu dambeeyay, oo ka caawisay la dagaalanka argagaxisada iyo burcadbadeeda.

Imaaraadka ayaa tababar siiyay cutubyo katirsan Ciidamada xoogga dalka iyo kuwa Puntland, gaar ahaan PMPF-ta oo tan iyo aas-aaskoodii 2011 gacanta ku hayay, oo ka taageerayay mushaaraadka, qalabka iyo tababarka.

Dowladda Imaaraadka ayaa maalin kahor shaacisay inay joojiyay barnaamijkii tababarka iyo taageerada dhaqaale ee Ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya, iyadoo kala baxday Muqdisho tababariyaashii ka joogay.

Go'aankan ayaa ka dambeeyay kadib markii Dowladda Federaalka ay ku qabatey Garoonka Aadan Cadde 8-dii bishan lacag Imaaraadka ugu tala-galay in lagu bixiyo mushaarka Ciidamada, taasi oo sii xumaysay xiisadda diblomaasiyadeed ee labada dowladood.

HALKAN KA DAAWO WAREYSIGA:

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Daahfurtay Siyaasadda Daboolidda Kharashaadka Adeegyada Caafimaadka

Munaasabadda daahfurka waxaa ka qeyb galay wasiirrada maaliyadda, qorsheynta iyo haweenka, wasiir ku-xigeenka caafimaadka.

  • Soomaliya

    13-07-2026

  • 01:29PM

Khilaafkii Museveni iyo Xasan Sheekh oo Saameyn Ku Yeeshay Xiriirka Labada Dal - XOG

Ilo wareedyadu waxay sheegeen in xiriirka Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweynaha Uganda, Yoweri Museveni.

  • Soomaliya

    13-07-2026

  • 09:02AM