Sheekh Shariif oo loo doortay gudoomiyaha Midowga Musharixiinta

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Midowga Murashaxiinta madaxtinimada doorashooyinka Soomaaliya ee 2020-21 ayaa gudoomiye u doortey Shariif Sheekh Axmed, halka ay xogheyn u xusheen Xuseen Cabdi Xalane, iyaddoo Afhayeenka laga dhigay Ridwan Xirsi oo soo noqdey Ra'iisul Wasaare Ku-xigeen.

Xuseen Cabdi Xalane ayaa soo noqday Wasiirka Maaliyadda, iyadoo Ridwaan isaga soo qabtay xilka ku xigeenka Ra'iisul wasaaraha dowladii uu hogaaminayay Xasan Sheekh ee soo shaqeysay 2012-2016.

Doorashadda hogaanka waxay imaanaysaa xili Musharixiinta maalintii 4aad shir uga socdo Muqdisho, kaasoo looga hadlayo arrimaha doorashooyinka dalka, iyadoo muran uu ka taagan yahay gudiyadda maamulaya codbixinta.

Musharixiinta oo ay ku jiraan Madaxweyniyeyaashii hore Xasan Sheekh iyo Sheekh Shariif ayaa cadaadis ku saaraya Maamulka Farmaajo inuu dhiso gudi dhex-dhexaad ah, oo lagu kalsoonaan karo, si loo qabto doorasho xor iyo xalaal ah.

Soomaaliya ayaa ku jirta jawi doorasho oo jahwareer ka taagan yahay, iyadoo aan la ogeyn inay dowladda Federaalka iyo Maamullada ay bedeli doonaan xubnaha la sheegay inay yihiin askar NISA u shaqeeya iyo shaqaale dowladeed.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM

Xamse Cabdi Barre oo Al-Shabaab Usoo Bandhigay Wadahadal Shuruud ku xiran

Wuxuu sheegay in dowladda mar walba diyaar u tahay wada-hadal haddii Al-Shabaab ay qaaddo tallaabo dhab ah oo ku wajahan wadahadalka.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 01:52PM