Sheekh Shariif oo shaaciyay mowqifkiisa doorashadda Galmudug

Image

LONDON, UK – Shariif Sheekh Axmed, hogaamiyaha xisbiga Himilo Qaran, ayaa ku dhawaaqay mowqifkiisa ku saabsan doorashada Galmudug.

Isagoo magaalada London ee cariga UK kula hadlay Jaaliyada Soomaaliyeed, Shariif ayaa ku baaqay in doorashadu noqoto mid hufan.

Hogaamiyaha Madasha Xisbiyada Qaran ayaa dowladda federaalka ku waaniyey in ay faragelinta ka joojiso geedi u socodka coddeynta.

Dadweynaha Galmudug iyo siyaasiyiintooda ayuu cod dheer ku baaqay in loo madax banaaneeyo in ay dhistaan dowlad goboleedkooda.

"Annaga xisbi ahaan Himilo Qaran ma jirto cid aan taageereyno qofkii soo baxa waan la shaqeynaynaa," ayuu hadalkiisu ku daray.

Dhanka kale, madaxweynihii 7aad ee Soomaaliya, ayaa soo hadal-qaadey doorashooyinka qorshuhu yahay in ay dhacaan sanadka 2020-21.

Muddo kororsi, dib-u-dhac iyo hanaan doorasho oo madmadow uu ku jiro ayuu tilmaamay in aysan marnaba ogolaan doonin.

"Annaga 10-sano waan sugi karnaa, laakiin dalkaan xaguu aadayaa. In la yiraahdo dad aan dooneyn in aan magacyaooda sheego ayaa coddeynaayo dalkan ayaa afar sano sii xukumaa taas ma soconeyso," ayuu xusay.

Gabagabadii, dowladda madaxweyne Farmaajo ayuu ku booriyey in ay ogolaato in ay saamileyda ka qeyb-geliso hanaanka doorashooyinka dalka.

Hadalka kasoo yeeray siyaasiga ayaa kusoo aadaya iyaddoo nooca doorasho ee dalka ka dhaceysa 2020-21 aanan wali heshiis laga wada gaarin.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dastuurka iyo Doodda Taagan: Is-bahaysiga Mucaaradka oo kordhiyay cadaadiska Villa Somalia

Madaxda Puntland iyo Jubaland, oo uu weheliyo Golaha Mustaqbalka, ayaa dalbanaya in shirka lagu qabto xerada Halane.

  • Soomaliya

    11-02-2026

  • 01:30PM

Duuliye diyaaradiisa ku dejiyay xeebta Muqdisho si uu u badbaadiyo rakaabka

Muuqaallo lagu baahiyay baraha bulshada ayaa muujinaya rakaab ka degaya diyaaradda kuna socdaalaya xeebta.

  • Soomaliya

    10-02-2026

  • 07:46PM