Sheekh Shariif oo si kulul u cambaareeyay qaraxa Muqdisho

Image
Qoraal kooban oo uu so dhigay baraha bulshada ayuu tacsi u diray qoysaskii eheladooda ku waayay "Weerarkan argagixisanimo".

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweynihii hore ee Soomaaliya haddana ah xildhibaan ka tirsan Golaha Shacabka Shariif Sheekh Axmed ayaa cambaareeyay qaraxii Muqdisho isagoo ku tilmaamay "fal waxashnimo ah".

Qoraal kooban oo uu so dhigay baraha bulshada ayuu tacsi u diray qoysaskii eheladooda ku waayay "Weerarkan argagixisanimo" wuxuuna caafimaad degdeg ah u rajeeyay kuwii ku dhaawacmay.

HOOS KA AKHRISO QORAALKA

Waxaan cambaareynayaa weerarka wuxuushnimada ah ee lagu beegsaday dhallinyarada ku fiidsaneysay Maqaayad Top Coffee ee magaalada Muqdisho caawa.

Weerarkan wuxuu muujinayaa cadaawadda kooxaha argagixisada ay u qabaan dhallinyaradeenna oo ah mustaqbalka dalka iyo ganacsatada maalgashiga ku sameystay dalka.

Waxaan dhammaan murugada la qeybsanayaa Eheladda Dadka waxyeelada ee ka soo gaartay weerarka caawa. Inta ku dhimatay Illaahay ha u naxariisto kuwa dhaawacana Rabbi caafimaad deg deg ha siiyo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xamse Cabdi Barre oo Al-Shabaab Usoo Bandhigay Wadahadal Shuruud ku xiran

Wuxuu sheegay in dowladda mar walba diyaar u tahay wada-hadal haddii Al-Shabaab ay qaaddo tallaabo dhab ah oo ku wajahan wadahadalka.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 01:52PM

Xasan Sheekh iyo Cirro oo Mareykanka ka wada dadaallo diblomaasiyadeed oo kala duwan

Dhanka Somaliland, taageerayaal ku nool qurbaha oo uu hoggaaminayay wasiirkii hore ee Maaliyadda Soomaaliya.

  • Soomaliya

    26-09-2026

  • 12:23PM