Sheekh Shariif, Xasan Sheekh iyo siyaasiyiin ka degay Kismaayo

Image
Image

KISMAAYO, Jubbaland – Madaxweyneyaashii 7aad iyo 8aad ee Soomaaliya ayaa Khamiista maanta ah waxay siyaabo kala duwan u gaareen magaaladda Kismaayo, caasimadda ku meel gaarka Jubbaland.

Sheekh Shariif Axmed iyo Xasan Sheekh Maxamuud ayaa waxay kala hogaaminayeen wafuud ka tirsan xisbiyadooda Himilo Qaran iyo Midowga Nabadda & Horumarka.

Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa madaarka diyaaradaha Siyad Maxamed Cabdulle Xasan kusoo dhaweeyay xubnahan, kuwaasi oo warbaahinta la hadlay una mahad-celiyay.

Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo ah hogaamiyaha xisbiga Wadajir ayaa kamid ah madaxda gaartay xarunta gobolka Jubadda Hoose oo amnigeeda la adkeeyay.

Saciid Cabdullaahi Deni, hogaamiyaha maamulka Puntland, Senator Cabdiraxmaan Faroole iyo Xildhibaano, ayaa kasii horeeyay oo si heer sarre ah loo qaabilay.

Xafladda caleema saarka Axmed Madoobe oo qorshuhu yahay in ay qabsoonto maalinta Sabtida ah ee todobaadka dambe ayay dhamaan xubnahan kasoo muuqan doonan.

Socdaalka mas'uuliyiintan ayaa yimid ka gedaal markii xukuumadda federaalka ay qaadey xayiraadii dhanka hawada ee Jubaland, taasi oo ka dambeysay markii cadaadis uu kaga yimid Beesha Caalamka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dilay shan ka mid ah shaqaalihii markab laga soo furtay

Ciidamada Booliska Badda Puntland ayaa sheegay in markabka uu hadda ammaan ku jiro, isla markaana uu gacanta ugu jiro dowladda.

  • Soomaliya

    30-09-2026

  • 06:13AM

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM