Shiinaha oo dunida u diray dalab la xiriira Soomaaliya

Image
Beijing ayaa baaqan dhex-marsiisay shir uu yeeshay golaha ammaanka Qaramada Midoobay.

MUQDISHO, Soomaaliya - Wakiilka Shiinaha ee Qaramada Midoobay ayaa sheegay in beesha caalamku ay wajahayso isbadal weyn oo ku saabsan qaab-dhismeedkooda amniga ee Soomaaliya.

Dai Bing ayaa hoosta ka xariiqay in cusboonaysiinta mudada howlgalka UNSOM ay tahay mid ku habboon in laga caawiyo dalka sidii uu ku gaari lahaa amniga iyo kala-guurka siyaasadeed.

Bing ayaa dhawaqan ka sheegay kulankii shalay uu golaha ammaanka ka yeeshay xaalada Soomaaliya kaasoo illaa May, 2022-ka lagu gaarsiiyey muda xileedka howlgalka UNSOM.

Shiinaha ayaa kamid ahaa wadamada u codeeyay qaraarka lagu cusbooneysiiyey muddo xileedka howlgalka kaasoo ka caawiya Soomaaliya dhanka siyaasada, amniga iyo dhinacyo kale.

Sannadkii 2015 -kii, Goluhu wuxuu  si aqlabiyad leh u meel -mariyey qaraar lagu kordhiyey Hawlgalka Kaalmaynta Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOM) ilaa 30 -ka Maarso, 2016 si loo taageero geeddi -socodka siyaasadeed ee dalka.

Golaha 15-ka dal ah ayaa sidoo kale dib-u-fasaxay Hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (Amisom) ilaa May 30, 2016 kaasoo waqti-xaadirkan ay su'aal ka taagan tahay joogitaankiisa.

AMISOM ayaa ka kooban Kenya, Jabuuti, Uganda, Sierra Leone iyo Burundi oo ciidamo milateri ah geeyay Soomaaliya si ay ula diriraan xoogaga dagaalka kula jira dowladda ee Al Shabaab.

Related Articles

Soomaaliya iyo Ciraaq oo is-dhaafsanaya khibradaha dhanka amniga

Xamsa ayaa dalka Baxreyn kula kulmay Madaxweynaha Dalka Ciraaq, Abdul Latif Rashid.

  • Soomaliya

    16-05-2024

  • 03:28AM

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ubax dhigay taalada SYL ee Muqdisho

Talaabadan ayaa waxa ay qeyb ka tahay xuska 81-sano guurada kasoo wareegatay aas-aaska SYL.

  • Soomaliya

    15-05-2024

  • 12:45PM