Shiinaha oo markab dagaal u soo diray xeebaha Soomaaliya

Image

BEIJING, China – Dowladda Shiinaha ayaa markab nooca dagaalka waxay u soo dirtay xeebaha Soomaaliya iyo gacanka Caddan.

Markabka, oo kasoo baxay magaaladda Qingdao ee bariga China, ayaa sababo farsamo ugu xirtay Mombasa oo ka tirsan Kenya.

Bogga China.org.cn ayaa lagu qoray in ujeedka markabka loogu soo diray biyaha Soomaaliya ay tahay si uu u fuliyo howlgal.

Warsidaha ayaanan sharaxaad ka bixin waxa uu yahay howlgalka, balse, wuxuu adeegsaday kalmadda "galbin".

Markabka Weifang ayaa la sheegay in howlgal guuleystay uu horey uga fuliyey Koonfur Afrika intii u dhaxeysay 24-tii illaa iyo 29-kii November.

Howlgalkaas ayaa waxaa si wadajir ah u qaadey ciidamadda badda ee dowladaha Shiinaha, Ruushka iyo Koonfur Afrika.

Dekadda magaala xeebeedka Mombasa ayaa waxaa kusoo dhaweeyay saraakiil uu ku jiro danjiraha Shiinaha u fadhiya Kenya ee Wu Peng.

Mudada uu ku sugan yahay magaaladan, markabku wuxuu qaadan doonaa sahay iyo qalab la sheegay "in ay muhiim u yihiin howlgalkiisa".

Xeebaha Soomaaliya waxaa ku sugan maraakiib shisheeye kuwaas oo sheegta in ay ka hortagayaan waxa loogu yeero burcad-badeeda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM

Xamse Cabdi Barre oo Al-Shabaab Usoo Bandhigay Wadahadal Shuruud ku xiran

Wuxuu sheegay in dowladda mar walba diyaar u tahay wada-hadal haddii Al-Shabaab ay qaaddo tallaabo dhab ah oo ku wajahan wadahadalka.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 01:52PM