Shiinaha: Soomaaliya waxay noo tahay saaxiib istaraatiiji ah

Image
Image
Image
Ra'iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa qaabilay Danjiraha Dowladda Shiinaha u fadhiya Soomaaliya, FEI Shengchao.

MUQDISHO, Soomaaliya - Ra'iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka, Xamse Cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Dowladda Shiinaha u fadhiya Soomaaliya, FEI Shengchao.

Xamse iyo Shengchao ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka faca-weyn ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Shiinaha ee dhinacyada siyaasadda, iskaashiga, amniga, horumarinta dhaqaalaha iyo arrimaha bini'aadanamida.

Wasiirka koowaad ee Soomaaliya ayaa uga mahadceliyey Dowladda Shiinaha taageerada ay mar walba la garab taagan tahay dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed.

Dhankiisa, safiirka ayaa xusay in Soomaaliya ay Shiinaha u tahay saaxiib istaraatiiji ah, kana go’an tahay sii wadidda taageerada ay u hayaan dowlad-dhiska Soomaaliya iyo iskaashiga ay la leeyihiin.

Kulankan ayaa waxa uu kusoo hagaagayaa xilli ay taagan tahay xiisad salka ku haysa qadiyadda Taiwan ee Mareykanka iyo Shiinaha ayna Soomaaliya horey u caddeysay taageerida siyaasada "Hal China".

Siyaasadda "Hal China" ayaa macnaheedu yahay in aysan wax la yiraahdo Taiwan oo Shiinaha ay u aragto gobol ka tirsan Jamhuuriyadda Shiinaha xilli ay dalal uu Mareykanka ku jiro u arkaa waddan.

Shiinaha ayaa dhoolatus ciidan sameeyay kadib markii dhowaan uu Mareykanka qaabilay hogaamiyaha Taiwan oo ah gacan laga cabsi qabo in uu kamid noqdo arrimaha horseedan dagaal culus.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soo Laabashadii Farmaajo iyo Isbarbardhigga Siyaasadeed ee Muqdisho Ka Curtay

Hadal kooban oo uu jeediyey kadib imaatinkiisa ayuu ku sheegay inuu Muqdisho u yimid…

  • Soomaliya

    13-11-2025

  • 01:44PM

Doon Iran laga leeyahay oo Ay Afduub u Adeegsadeen Burcad-Badeedda Soomaaliya oo la qabtay

Ciidamada badda Midowga Yurub ayaa markabka shidaalka ahaa sugeen oo amnigiisa xaqiijiyeen Jimcihii lasoo dhaafay.

  • Soomaliya

    12-11-2025

  • 09:01AM