Shiine Culay oo ku biiray Soomaalida gaartey 1M Facebook followers

Image
Marka laga soo tago wariyenimada, Shiine waa majaajiliste iyo falanqeeye siyaasadeed.

BERLIN, Germany - Saxafiga Shiine Culay ayaa kamid noqdey Soomaalida faro-ku-tiriska ah ee isticmaasha barta Facebook-ga ee ciwaanadooda gaarka ah ay ku xirmaan hal milyan oo jamaahiir ah.

Qoraal kooban oo mahad-celin ah ayuu ku yiri: "Alxamdulilaah, Safar dheer kadib waxa farxad ii ah in maanta Facebook Pagekaygu gaaray 1M oo Followers; la’aantiin ma noqdeen caan caan dhalay halkan ma soo gaareen, aad iyo aad ayaad u mahadsantihiin dhamaantiin".

Fariin kale oo mahadnaq ah ayuu kusii raaciyey: "Kelmedo kooban oo mahadcelin ah igama istaahishaan, hadii aynu meel wada joogi lahayn geel badan waa idiin qali lahaa. Mahadsanidiin Soomaaliyeey".

Marka laga soo tago wariyenimada, Shiine ayaa sidoo kale waxa uu ku suntan yahay majaajiliste iyo in uu ka faaloodo dhacdooyinka markaa taagan ee khuseeya arrimaha siyaasada Soomaaliya.

Mudadii uu joogay Soomaaliya gaar ahaan Puntland, Shiine ayaa kamid ahaa qoreyaasha warsidaha Garowe Online. Haatan waxa uu ku nool yahay dalka Jarmalka halkaasoo ay ka joogaan qoyskiisa.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo Saraakiil Ciidan kula shiray Baydhabo

Shirka ayaa sidoo kale diiradda lagu saaray sidii loo adkeyn lahaa iskaashiga iyo isku-duwidda hay’adaha amniga si loo xaqiijiyo nabadgelyo waarta.

  • Soomaliya

    15-11-2025

  • 11:55AM

Dowladda oo billowday bixinta kaararka codbixinta doorashada xili uu jira khilaaf

Mas’uuliyiin ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa ku adkaystay in doorashadu ay dhici doonto waqtigeeda.

  • Soomaliya

    15-11-2025

  • 11:04AM