Shil Diyaaradeed oo ka dhacay Garoonka Muqdisho [Sawirro]

Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Magalaada Muqdisho ayaa Garoonka Aadan Cabdulle waxaa ka dhacey shil diyaaradeed kasoo sababey khasaaro hantiyeed.

Goobjooge ayaa Warsidaha Garowe Online u xaqiijiyay in Diyaarad u rarnayd Midowga Yurub ay ku dhacday Diyaarad Rakaab ah oo fadhidey gudahaa Garoonka, taasi oo xilligaasi sugaysay inay qaado dad rakaab ah.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in shilka uu dhacay kadib markii Diyaarada Midowga Yurub ay markii soo caga-dhigatay isku dayaysay inay meel Parking ah gasho, waxayna qaybta Runwayga iskula dhaceen Diyaarad kale oo xilligaasi taagneyd.

Diyaarada fadhiday ayaa ka burburay mid kamid ah baalasheed waxaana leh Shirkad lagu magacaabo Galeyr oo sameysa safarada gudaha dalka, xilligaasina waxa ay u taagneyd duulimaad inay qaado.

Sawirro goobta laga soo qaadey ayaa muujinaya shidaal badan oo dhulka ku daatey iyo labada diyaaradood oo garbaha iskula jira kadib shilka kaasi oo saameyn ku yeeshay duulimaadka Garoonka.

Lama soo sheegin wax khasaaro nafeed ah marka laga soo tago burburka soo gaarey mid kamid ah diyaaradaha. Saraakiisha Garoonka wali kama aysan hadlin shilka, oo saameeyay duliimaadkii saaka ee Garoonka Adan Cabdulle.

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

Cali Balcad: DFS waxay diyaar u tahay inay Somaliland la wadaagto dakhliga e-Visa 

Nidaamka e-Visa oo si buuxda u dhaqangalay Sebtembar 2025, ayaa qof kasta oo fiiso dalbanaya ku waajibinaya lacag dhan $64.

  • Soomaliya

    22-11-2025

  • 11:47AM

Shimbir safar 5,000 km ah kaga soo baxay India oo 5 Maalin kusoo gaaray Soomaaliya

“Apapang wuxuu hadda sameeyay ku dhawaad 5,400 km, wuxuuna ku qaatay 5 maalmood iyo 15 saac,” ayay Sahu ku qortay.

  • Soomaliya

    21-11-2025

  • 11:19AM