Shil Gaari oo ka dhacay Muqdisho

Image
Image
Image
Image

MUQDISHO, Somaaliya - Shil gaari oo sababay khasaarooyinka isagu jira dhimasho iyo dhaawac, ayaa saaka oo Axad ah waxa uu ka dhacay magaalada Muqdisho, ee Caasimadda Somaaliya. 

Shilkan ayaa ka dhacay Isgoyska Nasiib-Buundo, ee degmada Shibis, kadib markii uu rogmadey Gaari noociisu yahay UD, oo wadey Shaqaalo ka shaqeeya Garoonka Diyaaradaha ee Aadan Cadde. 

Saraakiisha maamulka degmada, ayaa xaqiijiyay in ugu yaraan hal ruux uu ku geeriyoodey Shilka Gaari, islamarkaana ay ku dhaawacmeen 20 kale, kuwaasi oo la dhigay Isbitaal ku yaalla Muqdisho.

Goob-joogiyaal, ayaa Warsidaha Garowe Online, u sheegay in ay arkeen saddex qof oo meyd ah, oo ah dadkii saarnaa Gaariga xamuulka ah, ee shilka galay.

Shilka kale ayaa ka dhacay Deegaanka Garasbaaley, ee duleedka Muqdisho, kadib markii ay isku dhaceen HOMY, iyo Gaari Dameer. Hal qof oo ah ninkii watey dameerka ayaa ku dhintay shilka.

GAROWEONLINE

Related Articles

Duulimaadyadii ugu horreeyay ee xujeyda Soomaaliyeed oo gaaray dalka Sucuudiga

Maamulka garoonka Maddiina ayaa sheegay in habraacyada gelitaanka xujeyda Soomaaliyeed loo fuliyay si hufan.

  • Soomaliya

    02-05-2026

  • 11:20AM

Safiirka UK oo Muqdisho ku tilmaamay mid ka mid ah goobaha ugu khatarta badan dunida  

Safiirka ayaa ku dhuftay in wadashaqayn dhow oo ay la leeyihiin dowladda Soomaaliya, Midowga Afrika iyo Qaramada Midoobay.

  • Soomaliya

    01-05-2026

  • 01:41PM