Shir ay culimadu uga hadlaayan fikirka ‘AS’ oo ka furmay Muqdisho

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre ayaa maanta furay shir looga hadlayo “Doorka Culimadu ay ku leeyihiin taaba-gelinta nabadda iyo dib-u-heshisiinta” sida ay sheegyau warbaahinta dowladda.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa xusay in culimada Soomaaliyeed ay laf dhabar u yihiin baraarujinta bulshada iyo ciribtirka afkaarta qalafsan ee AS.

Waxa uu carrabka ku adkeeyey sida ay muhiim u tahay in aqoonyahannada Soomaaliyeed ay hormuud uga noqdaan difaaca dalka iyo dabargoynta fikradaha argagixisada.

“Waxaa dhibaatooyinka kala duwan ee Soomaaliya dib u dhigay lagaga gudbi karaa wadashaqeyn buuxda oo ay yeeshaan shacabka, culimada, indheer-garadka iyo dowladda” ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha.

Wuxuuna si gaar ah ugu baaqay culimadu in ay doorkooda ka qaataan dib-u-heshiisiinta, xasillinta, dowlad-dhiska iyo dhammeystirka dastuurka.

Shirkan ayaa soo qaban-qaabisay Xarunta Cilmi Baarista iyo Daraasaadka ee Maqaasid, waxaana ka soo qayb galay Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Mudane Baashe Yusuf Axmed, masuuliyiin ka tirsan goleyaasha dowladda, culimo, Aqoonyahanka Soomaaliyeed iyo wufuud ka kala yimid dalalka caalanka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Doon Iran laga leeyahay oo Ay Afduub u Adeegsadeen Burcad-Badeedda Soomaaliya oo la qabtay

Ciidamada badda Midowga Yurub ayaa markabka shidaalka ahaa sugeen oo amnigiisa xaqiijiyeen Jimcihii lasoo dhaafay.

  • Soomaliya

    12-11-2025

  • 09:01AM

DFS oo ka digtay in la jebiyo nidaamka duulista hawada Soomaaliya

SCAA ayaa ugu baaqday dhammaan dhinacyada ay khuseyso, oo ay ku jiraan shirkadaha duulimaadyada gudaha iyo dibadda.

  • Soomaliya

    11-11-2025

  • 01:41PM