Shir caalami ah oo lagu soo gaba-gabeeyay Muqdisho

Image
Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Shir caalami ah oo looga hadlay xaaladda bi'aadanimo ee ka jirta Soomaaliya ayaa lagu soo gaba-gabeeyay magaalada Muqdisho.

Shirkan oo ay ka qeybgaleen mas'uuliyiin katirsan Dowlada Soomaaliya iyo Qaramada Midoobay ayaa lagu qabtay xarunta Xalane ee ay degan yihiin Ciidamada Midowga Africa ee AMISOM.

Markii uu dhamaaday Shirka, ayaa waxaa laga soo saarey bayaan ay dowladda Soomaaliya iyo QM ku dalbanayaan 80 Milyan oo Dollar si loogu caawiyo dadka ay saameeyeen Fatahaadaha iyo Roobabka dalka ku dhuftay.

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Soomaaliya, Mahdi Maxamed Guuleed iyo Isku-xiraha arrimaha bani’aadanimada Soomaaliya iyo Qaramada Midoobay, Peter de Clercq ayaa si wadajir ah u shir-gudoomiyay Kulanka.

Mahdi Maxamed Guuleed, Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalka, ahna Gudoomiyaha Guddiga Qaran ee Taakuleynta dadka ay saameeyeen Fatahaadaha ayaa sheegay in loo baahan yahay qorshe wax looga qabanayo dhinaatooyinka bini'aadanimo.

Dhinaciisa Peter de Clercq, ayaa ugu baaqay deeq-bixiyaasha in sida ugu dhaqsiyaha badan ay lacagtaan usoo gudbiyaan, si buu yiri loo gaarsiiyo dadka ubaahan gargaarka.

Lacagtaan ayuu tilmaamay in la siin doono dadka ku nool xer-yaha barakac-yaasha ah, adeegyadda aas-aasiga ah, sida Iskuulada, Cunada, Amaanka, Gadiidka, Biyo iyo in loo sameeyo dadka dhiban deegaan nadaafad leh.

In ka badan 4 Milyan oo qof oo ku nool guud ahaan Soomaaliya ayay saameysay Fataahadaha ka dhashay Roobabka lagu sheegay inay ahaayeen kuwii ugu xooganaa ee ka da’a dalka 10-kii sano ee lasoo dhaafay.

In ka badan 750,000 qof ayaa saameeyey fataahadaha koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya, kuwaasi oo 229,000 kamid deegaanadooda ka barakacay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sheekh Shariif oo ka digay cawaaqibka ka dhalan kara tallaabo militari oo lagu qaado mucaaradka

Madaxweynihii hore ayaa sidoo kale diiddan in doorashooyinka dalka loo wajaho hannaan aysan dhammaan dhinacyada siyaasadeed isku raacsanayn.

  • Soomaliya

    11-10-2026

  • 08:32PM

Mareykanka oo ka digay suurtagalnimada in Xuutiyiintu saldhig ka samaystaan Soomaaliya

Warbixinta ma aysan sheegin tirada diyaaradaha la wareejinayo ama waqtiga rasmiga ah ee dib-u-dejintoodu dhaceyso.

  • Soomaliya

    10-10-2026

  • 09:34AM