Shir caalami oo Muqdisho ka furmaya [Akhri Ujeedka]

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Shirkan oo uu shir gudoomin doono Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Maxamed [Farmaajo] ayaa waxaa looga hadli doonaa arrimo badan oo ku saabsan xaaladda dalka.

Sida uu ka dhawaajiyay Cabdiraxmaan Iidan Yoonis, oo ah Sii hayaha xilka wasiirka warfaafinta kulankaan oo furmi doona bishaan ayaa waxaa looga hadli doonaa xaalada Bani’aadanimo ee ka jirta guud ahaan dalka Soomaaliya.

“Fatahaada ku dhuftay dalka ayaa waxay yihiin waxyaabaha ugu waa weyn ee shirkaan looga hadli doono. Madaxweyne Farmaajo ayaana shir gudoomin doona, iyadoona ay nagala soo qeyb-geli doonan xubno beesha caalamka ka tirsan,” ayuu yiri Mr Iidan.

Wuxuu tilmaamay in sidoo kale shirkaan lagu gor-fayn doono sida deymaha lagu leeyahay Soomaaliya looga cafin lahaa, taasoo xukuumada hadda jirto dadaal iyo waqti badan ku bixisay gaara ahaan Wasaaradda Maaliyadda.

Ma uusan sheegin Mudane Iidan goorta uu si rasmi ah shirkaan uga furamayo caasimada Soomaaliya, laakiin wuxuu hoosta ka xariiqay in qodobada looga hadli doono dhamaantooda ay yihiin kuwa horumarka dalka ka qeyb-qaadanaya.

Shirkaan ayaa qeyb ka ah shirar dhowr ah oo ay dowlada qabatay mudadii ay jirtay, waxaana uu daba socdaa kulan dhawaan Muqdisho ku dhexmaray Beesha Caalamka iyo dowlada, oo uu Ra’iisul Wasaare ku xigeenka shir gudoomiyay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mareykanka oo ka digay suurtagalnimada in Xuutiyiintu saldhig ka samaystaan Soomaaliya

Warbixinta ma aysan sheegin tirada diyaaradaha la wareejinayo ama waqtiga rasmiga ah ee dib-u-dejintoodu dhaceyso.

  • Soomaliya

    10-10-2026

  • 09:34AM

Soomaaliya, Itoobiya iyo loollanka cusub ee Badda Cas

Suudaan ayaa sidoo kale muddo tobannaan sano ah siinaysay ardayda Soomaaliyeed waxbarasho bilaash ah, oo ay ku jirto xilligii dagaallada sokeeye.

  • Soomaliya

    07-10-2026

  • 11:00AM