Shir laga yeeshay abaaro ka jira qaybo kamid ah Jubaland

Image
Image
Image
Image
Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa guddoomiyey kulankan oo qeyb kamid ah shirka golaha wasiirada maamulkiisa.

KISMAAYO, Jubaland - Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam, ayaa gudoomiyay kulanka golaha wasiirada oo lagaga hadlay xaaladaha abaaraha ka jira qeybo kamid ah Jubaland, arimaha amaanka iyo qodobo kale.

Ugu horayn, Wasaarada amniga ayaa ka warbixisay xaalada amniga Jubaland iyo xaaladahii u danbeeyay oo ay kamid yihiin howlgalo ay sameeyeen Ciidamada kala duwan ee amniga.

Wasaaradaha xanaanada xoolaha iyo Wasaarada Maaraynta masiibooyinka ayaa ka warbixiyay abaaro si xoog leh ugu jira qeybo Kamid ah Jubaland taas oo saamayn ku yeelatay xoolaha iyo dadweynaha.

"Waxaa intaas dheer xanuuno aan la aqoon oo si ba’an u laynaya xoolaha sida wasaarada xanaanada xoolaha ay ku warbixisay," ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay Madaxtooyada Jubaland.

Dhinaca kale, Wasaarada Cadaalada arimaha diinta iyo awqaafta ayaa ka warbixisay shaqooyinka waaxda Cadaalada iyo sida ay muhiimka u tahay in la xoojiyo hay’adaha Cadaalada taas oo wax badan laga qabtay sanadahii lasoo dhaafay.

Ugu danbayntii, Wasaarada Caafimaadka ayaa ka warbixisay qalab kala duwan oo Hay’ada Carta Foundation ay ugu deeqday wasaarada taas oo wax badan ka tari doonta shaqooyinka socda iyo dadaalka Wasaarada ee dib loogu habaynayo kaabayaasha Caafimaadka taas oo taageero weyn looga baahan yahay dadka deegaanka ee qurbaha ku maqan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Jubbaland iyo Danab oo Ku Dhow Inay Jamaame Kala wareegaan Al-Shabaab

Dadka deegaanka ayaa u sheegay warbaahinta in qaar badan oo ka tirsan dagaalyahannada Al-Shabaab ay dib ugu gurteen dhinaca Jilib.

  • Soomaliya

    20-11-2025

  • 11:38AM

Gollaha Wasiirrada Soomaaliya oo Ansixiyay Heshiisyo iyo Shuruuc Muhiim ah

Xildhibaanadu waxay kaloo oggolaadeen Axdiga Ururka Caalamiga ah ee Dayax-gacmeedka Guur-guura.

  • Soomaliya

    20-11-2025

  • 10:23AM