Shirka Amniga Qaran oo ka furmay Baydhaba [Sawirro]

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

BAYDHABO, Soomaaliya - Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Maxamed [Farmaajo] ayaa si rasmi ah uu uga daah-furey furay Shirka Amniga Qaranka Madaxtooyadda Koonfur Galbeed ee ku yaalla magaalada Baydhabo.

Kulan madaxeedkan oo ay ka qeybgalayaan Hogaamiyaasha maamul goboleedyadda ayaa socdan doono mudo labo maalmood ah, waxaana markii uu soo idlaado laga soo saari doonaan war-murtiyeed.

Dhinacyadda shirka xaadirka ku ah waxaa kamid ah Ra'iisul Wasaare Xasan Cali Khayre iyo Duqa Magaalada caasimada ah ee Muqdisho, ahna Gudoomiyaha Gobolka Banaadir, Eng Yariisow.

Shirkan oo saddexdii biloodba mar la qabto ayaa la filayaa in diiradda lagu saaro qodobo muhiim ah oo ay kamid yihiin khayraad wadaagga, amaanka, Federaaleynta dalka, tayeynta iyo isku dhafka ciidanka.

Ajandayaasha looga hadlayo kulanka ayaa waxaa rajeynayaa in madaxda ay kala hor mariyaan sida ay u kala muhiimsan yihiin, si ugu yaraan kuwa xasaasiga ah heshiis looga gaaro.

Kulanka ayaa ah mid Albaabada u xiran, oo saxaafadda madaxa banaan loo diiday inay gudaha u galaan Hoolka shirka uu ka socdo, taasoo ka dhigan inuu yahay mid hogaamiyaasha aysan dooneynin in bulshada loo gudbiyo waxa ay ka hadlayaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Shimbir safar 5,000 km ah kaga soo baxay India oo 5 Maalin kusoo gaaray Soomaaliya

“Apapang wuxuu hadda sameeyay ku dhawaad 5,400 km, wuxuuna ku qaatay 5 maalmood iyo 15 saac,” ayay Sahu ku qortay.

  • Soomaliya

    21-11-2025

  • 11:19AM

Ciidamada Jubbaland iyo Danab oo Ku Dhow Inay Jamaame Kala wareegaan Al-Shabaab

Dadka deegaanka ayaa u sheegay warbaahinta in qaar badan oo ka tirsan dagaalyahannada Al-Shabaab ay dib ugu gurteen dhinaca Jilib.

  • Soomaliya

    20-11-2025

  • 11:38AM