Shirka Amniga Qaran oo ka furmay Baydhaba [Sawirro]

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

BAYDHABO, Soomaaliya - Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Maxamed [Farmaajo] ayaa si rasmi ah uu uga daah-furey furay Shirka Amniga Qaranka Madaxtooyadda Koonfur Galbeed ee ku yaalla magaalada Baydhabo.

Kulan madaxeedkan oo ay ka qeybgalayaan Hogaamiyaasha maamul goboleedyadda ayaa socdan doono mudo labo maalmood ah, waxaana markii uu soo idlaado laga soo saari doonaan war-murtiyeed.

Dhinacyadda shirka xaadirka ku ah waxaa kamid ah Ra'iisul Wasaare Xasan Cali Khayre iyo Duqa Magaalada caasimada ah ee Muqdisho, ahna Gudoomiyaha Gobolka Banaadir, Eng Yariisow.

Shirkan oo saddexdii biloodba mar la qabto ayaa la filayaa in diiradda lagu saaro qodobo muhiim ah oo ay kamid yihiin khayraad wadaagga, amaanka, Federaaleynta dalka, tayeynta iyo isku dhafka ciidanka.

Ajandayaasha looga hadlayo kulanka ayaa waxaa rajeynayaa in madaxda ay kala hor mariyaan sida ay u kala muhiimsan yihiin, si ugu yaraan kuwa xasaasiga ah heshiis looga gaaro.

Kulanka ayaa ah mid Albaabada u xiran, oo saxaafadda madaxa banaan loo diiday inay gudaha u galaan Hoolka shirka uu ka socdo, taasoo ka dhigan inuu yahay mid hogaamiyaasha aysan dooneynin in bulshada loo gudbiyo waxa ay ka hadlayaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mareykanka oo ka digay suurtagalnimada in Xuutiyiintu saldhig ka samaystaan Soomaaliya

Warbixinta ma aysan sheegin tirada diyaaradaha la wareejinayo ama waqtiga rasmiga ah ee dib-u-dejintoodu dhaceyso.

  • Soomaliya

    10-10-2026

  • 09:34AM

Soomaaliya, Itoobiya iyo loollanka cusub ee Badda Cas

Suudaan ayaa sidoo kale muddo tobannaan sano ah siinaysay ardayda Soomaaliyeed waxbarasho bilaash ah, oo ay ku jirto xilligii dagaallada sokeeye.

  • Soomaliya

    07-10-2026

  • 11:00AM