Shirka arrimaha doorashadda oo ka furmay Villa Soomaaliya

Image
Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Kulan u dhexeeya Madaxweyne Farmaajo iyo Madaxweynayaasha Dowlad Goboleedyada xubnaha ka ah Federaalka ayaa maanta oo Axad ah ka furmay Villa Soomaaliya kadib dib u dhacyo dhowr ah jeer ah.

Kulankan oo ujeedkiisu yahay in lagu xaliyo khilaafaadka ka taagan hanaanka doorashada Baarlamaanka iyo Madaxweynaha 2020/21, ayaa qorshuhu ahaa inuu furmo 12-ka bishan September furmo.

Qarax ismiidaamin ah oo lagu hoobtay oo ka dhacay Xarunta KMG ee Maamulka Jubbaland, laguna dilay xoghayihii geeriyooday ee Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed, Shaafi Raabi Kaahin, ayaa ku qasbay Madaxweyne Axmed Madoobe inuu si deg deg ah ugu ambabaxo Kismaayo si uu aaska uga qeyb galo.

Madaxweynaha Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor, ayaa sidoo kale u ambabaxay magaalada Nairobi safar la rumeysan yahay inuu la xiriiro dadaalada socda ee madaxweyne Farmaajo ee magacaabista Ra’iisul Wasaaraha cusub.

Sikastaba, labada hogaamiye ayaa dib ugu soo laabtay Muqdisho shalay 12 September, waxaana ilo wareedyo ku sugan Villa Soomaaliya ay sheegayaan in kulanka looga hadlayo arimaha doorashadda oo nooca ay noqon doonto lagu muransan yahay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Golaha Mustaqbalka Soomaaliya oo aqbalay ka-qaybgalka madasha wadahadalka qaran ee Muqdisho

Khilaafaad siyaasadeed iyo kuwo dastuur oo sii xoogeysanaya, kana taagan dhismaha dowladnimada iyo hab-maamulka.

  • Soomaliya

    24-01-2026

  • 12:16PM

Golaha Shacabka Oo Ansixiyay Hindise Sharciyeedka Macdanta Soomaaliya

Qeybsiga iyo maamulka Khayraadka dalka ayaa ah mid wali aan heshiis lagu ahayn, oo dowladda iyo Maamulada Federaalka.

  • Soomaliya

    24-01-2026

  • 09:32AM