Shirka Dastuurka oo Muqdisho ka furmay xilli Jubbaland qaadacdey

Image
Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Shirkaan oo ay soo qaban-qaabisay Wasaaradda Arrimaha Dastuurka ee xukuumada Federaalka Soomaaliya ayaa ka furmay mid kamid ah Hoteelada Muqdisho, kaasoo si gaar ah ugu kireysan dowladda.

Mas'uuliyiin ka kala socda maamul goboleedyadda, gaara ahaan Wasaaradahooda Dasuurka ayaa ka qeybgala kulanka, marka laga reebo maamulka Jubbaland, kaasoo horey u qaadacay ka qeyb-galka Shirkaan.

Sidoo kale, waxaa la filayaa in shirka lagu casuumay xubno ka socda Xilldhibaanada BFS, wakiilada Beesha Caalamka, Ururada Bulshada, Khubaro, Bulshada qeybaheeda kala duwan iyo qurba-joog Muqdisho u timid ka qeybgalka Shirkaan.

Xilldhibaan Xuseen Sheekh Maxamud, Xoghayaha Guddiga La-socodka Dib-u-Eegista Dastuurka oo saxaafada u waramay kahor kulanka ayaa sheegay in kulanka uu socon doono saddex maalmood uuna soo gaba gabayn doono Madaxweyne Farmaajo.

Afhayeenada Gollaha Shacabka ama Aqalka Hoose iyo Aqalka sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa lagu wadaa inay kulanka ka jeediyaan khudbado ku aadan dastuurka Soomaaliya.

Xilldhibaanka ayaa sheegay in shirka marka uu soo gaba gaboobo laga soo saari doono war-murtiyeed ku aadan wixii kulanka leysku afgartay, islamarkaana lagu dhawaaqi doono inuu si rasmi ah u bilowday wax ka bedalka Dasuurka.

Dasuurka ay hada ku shaqeyso Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa wuxuu yahay mid KMG ah iyo Qabyo qoraal ah, waxaana ansiyay Ergo ka kala timid gobollada dalka 1-dii Agoosto ee sanadkii 2012.

Maamulka Jubbaland ayaa qaadacay ka qeybgalka Shirka, kadib markii dhawaan Madaxweyne Axmed Madoobe ku eedeeyay dowladda Federaalka Soomaaliya inay la safatay Qadar.

Hoos ka Daawo Muuqaalka:

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sheekh Shariif oo ka digay cawaaqibka ka dhalan kara tallaabo militari oo lagu qaado mucaaradka

Madaxweynihii hore ayaa sidoo kale diiddan in doorashooyinka dalka loo wajaho hannaan aysan dhammaan dhinacyada siyaasadeed isku raacsanayn.

  • Soomaliya

    11-10-2026

  • 08:32PM

Mareykanka oo ka digay suurtagalnimada in Xuutiyiintu saldhig ka samaystaan Soomaaliya

Warbixinta ma aysan sheegin tirada diyaaradaha la wareejinayo ama waqtiga rasmiga ah ee dib-u-dejintoodu dhaceyso.

  • Soomaliya

    10-10-2026

  • 09:34AM