Shirka dib u heshiisiinta Galmudug oo dib u dhacay; xiliga uu furmayo

Image

DHUUSAMAREEB, Galmudug - Shirka dib u heshiisiinta Galmudug oo lagu waday in uu maanta oo Arbaco ah ka furmo magaaladda Dhuusamareeb ayaa dib u dhacay markii saddexaad, sida loo xaqiijiyey Garowe Online.

Iyadda oo inta badan ergooyinka loosoo xulay in ay kasoo muuqdan kulanka ay magaalada joogan, lama ogga sababta dhabta ah ee keentay in la baajiyo furitaankii loo madal-sanaa maanta.

Warbaahinta ku hadasha afka dowladda Soomaaliya ayaa shaacisay in sababta keentay baaqashada ay tahay "cilado dhanka farsamada ah" wallow aysan bixin tafaasiil dheeraad ah oo la xiriirta waxay yihiin.

Guddiga qaban-qaabadda ayaa laga soo xigtay in maalinta berri oo ku beegan Khamiis, 5-ta September, uu si rasmi ah u furmi doono kulankaasi oo ay kasoo qeybgalayan bulshooyinka ku heshiiyey dhismaha maamulkaasi.

Ra'iisul Wasaare Xasan Cali Khayre oo caasimada dowlad goboleedkaasiu tegay furitaanka shirkaasi oo ay hareeyeen tabashooyin ka imaanaya qaar kamid ah dhinacyadda ka qeybgalaya.

Amniga oo aad loo adkeeyay ayaa waxaa loo daabulay magaala madaxda ciidamo isugu jira booliska sida gaarka ah u tababaran ee federaalka iyo cutubyo kamid ah howlgalka AMISOM.

Shirkan oo xukuumada ku sifeysay mid lagu dhisayo "Galmudug mid ah" ayaa la tilmaamay in uu gogol-xaar u yahay mid kale lagu qeybsanayo awoodaha laguna soo xulayo Xildhibaano cusub.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Doon Iran laga leeyahay oo Ay Afduub u Adeegsadeen Burcad-Badeedda Soomaaliya oo la qabtay

Ciidamada badda Midowga Yurub ayaa markabka shidaalka ahaa sugeen oo amnigiisa xaqiijiyeen Jimcihii lasoo dhaafay.

  • Soomaliya

    12-11-2025

  • 09:01AM

DFS oo ka digtay in la jebiyo nidaamka duulista hawada Soomaaliya

SCAA ayaa ugu baaqday dhammaan dhinacyada ay khuseyso, oo ay ku jiraan shirkadaha duulimaadyada gudaha iyo dibadda.

  • Soomaliya

    11-11-2025

  • 01:41PM