Shirka Golaha Wadatashiga Qaran oo Maanta galay maalintii labaad

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Golaha Wadatashiga Qaran ee arrimaha doorashooyinka oo shalay ka furmay teendhada Afisiyooni ee magaalada Muqdisho, ayaa maanta galay maalintiisa labaad, iyadoona doodaha maanta ay xooggan yihiin.

Shirka oo uu guddoominayo Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble, isla markaana ay ka qeyb-gallayaan dhammaan madaxda maamul-gobolleedyada iyo Gobolka Banaadir, ayaa looga hadlayaa dardar-gelinta geeddi socodka, toosinta iyo dhammeystirka doorashooyinka dalka.

Doodaha la filayo in miiska la soo saari doono waxaa kamid ah arrinta ku saaban dib ugu laabashada heshiisyadii doorasho ee horay loo gaaray, gaar ahaan habraacyada qaar ama xitaa arrinta deegaan doorashada oo inta badan maamul-gobolleedyada ay u arkaan xalka fududeyn kara deg-degsiimada doorashada iyo amnigeeda, balse waxaa jira doodo kale oo ka soo horjeeday arrimahaasi oo ka imaan doona dhinaca kooxda madaxweyne Farmaajo.

Dhinaca kale doodaha Midowga Musharraxiinta ayaa ah in ay ku qancaan qodobada shirka isla markaana ay ka qeyb-galaan fadhi kamid ah kulamada Golaha.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Soomaaliya iyo kuwa Uganda oo ku dilay 30 Al-Shabaab Koonfurta Soomaaliya

Kooxda Al-Shabaab, oo xiriir la leh Al-Qaacida, ayaa muddo ka badan 16 sano dagaal kula jirtay dowladda Soomaaliya.

  • Soomaliya

    15-01-2026

  • 05:21PM

Safaaradda Mareykanka Oo Beenisay Digniin Amni Oo La Xiriirtay Safarka Xasan Sheekh Ee Laascaanood

Safarka Madaxweynaha Soomaaliya ee magaalada Laascaanood ayaa lagu wadaa inuu dhaco Khamiista berri ah.

  • Soomaliya

    14-01-2026

  • 01:34PM