Shirka Golaha Wadatashiga Qaran oo Maanta galay maalintii labaad

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Golaha Wadatashiga Qaran ee arrimaha doorashooyinka oo shalay ka furmay teendhada Afisiyooni ee magaalada Muqdisho, ayaa maanta galay maalintiisa labaad, iyadoona doodaha maanta ay xooggan yihiin.

Shirka oo uu guddoominayo Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble, isla markaana ay ka qeyb-gallayaan dhammaan madaxda maamul-gobolleedyada iyo Gobolka Banaadir, ayaa looga hadlayaa dardar-gelinta geeddi socodka, toosinta iyo dhammeystirka doorashooyinka dalka.

Doodaha la filayo in miiska la soo saari doono waxaa kamid ah arrinta ku saaban dib ugu laabashada heshiisyadii doorasho ee horay loo gaaray, gaar ahaan habraacyada qaar ama xitaa arrinta deegaan doorashada oo inta badan maamul-gobolleedyada ay u arkaan xalka fududeyn kara deg-degsiimada doorashada iyo amnigeeda, balse waxaa jira doodo kale oo ka soo horjeeday arrimahaasi oo ka imaan doona dhinaca kooxda madaxweyne Farmaajo.

Dhinaca kale doodaha Midowga Musharraxiinta ayaa ah in ay ku qancaan qodobada shirka isla markaana ay ka qeyb-galaan fadhi kamid ah kulamada Golaha.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh: Israa’iil amar la'aantay cagta masoo dhigi karta Soomaaliya

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ugu dambeyn ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed inay ilaashadaan midnimada iyo wadajirka.

  • Soomaliya

    04-07-2026

  • 01:15PM

Xamza: Dowladda Federaalka ma joojin doonto ciidamada ay qoranayso Puntland

Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu sidoo kale ku eedeeyay Madaxweynaha dowladda Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni.

  • Soomaliya

    04-07-2026

  • 12:13PM