Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka oo "dib-u-dhacay"

Image
Illaa haatan, ma jirto cid fahfaahisay sabab rasmi ah oo baajisay kulankaas.

MUQDISHO, Soomaaliya - Warar soo baxaya ayaa muujinaya in uu dib-u-dhac ku yimid shirkii lagu wadday in ay Muqdisho ku yeeshaan madaxda golaha wadatashiga qaranka 27-da bishan December, sanadkan 2021-ka.

Illaa haatan, ma jirto cid fahfaahisay sabab rasmi ah oo baajisay kulankaas qorshuhu ahaa in lagu saxo qaladaad badan oo ka jiray hanaanka doorashooyinka kuna yimid cadaadis ay abaabulaan Midowga Musharaxiinta.

Tafaasiil qaar ayaa sheegaysa in qaar kamid ah madaxwayneyaasha dowlad goboleedyadda bilaabay xulista xubnaha Aqalka Hoose ay ka cudurdaarteen ka qeybgalka wadaxaajoodyadaas.

Xogta ayaa muujinaysa in hogaamiyeyaasha maamuladda Galmudug iyo Koonfur Galbeed ay si cad u sheegeen in aysan kasoo qeybgali karin is-araggaas uu iclaamiyey ra'iisul wasaaraha xilgaarsiinta Rooble.

"Sababahan iyo kuwa kale oo is-biirsadey waxay sahleen dib-u-dhaca kulankan. Ma jirto waqti kale oo la iclaamiyey. Mana muuqato ifafaalo uu ku qabsoomi karo," ayuu yiri qof si dhow ula socday xaaladdan.

Madaxtooyadda Soomaaliya oo maamuladan diidey shirka ay taabacsan yihiin ayaa si weyn uga soo horjeeday kulankan iyadda oo u arkeysay mid halis ku ah rabitaankeeda in Farmaajo dib u hanto maamulka codeynta.

Si uu qorshahaas miradhal u noqdo, Farmaajo oo dalbadey wax uu ugu yeeray "dhab-u-jihaynta" doorashadda ayaa ku eedeeyay Rooble in uu ku fashilmay waajibaadkiisa qaatayna go'aano hal dhinac ah oo wiiqay nidaamka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Baaritaan: Khasaaraha Shacabka duqeymaha Mareykanka ee Soomaaliya oo kordhay

Yemen ayaa lagu diiwaangeliyey 991 qof, halka Ciraaq ay gaartay 793 qof oo rayid ah oo lagu dilay ama lagu dhaawacay howlgallada la baaray.

  • Soomaliya

    03-10-2026

  • 05:31AM

Sagaal Soomaali ah oo laga masaafuriyey Mareykanka, loona soo celiyey Soomaaliya

Xaaskiisa ayaa sheegtay in masaafurintiisu ay qoyska ku keentay kala fogaansho, maadaama uu leeyahay laba carruur ah oo ku nool Mareykanka.

  • Soomaliya

    03-10-2026

  • 04:51AM