Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka oo galay maalintii 5aad

Image
Maadaama aan wali laga heshiin qodobo xasaasi ah, ma cadda waqtiga uu shirka soo xirmi doono.

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxda golaha wadatashiga Qaran ayaa maanta oo Sabti ah mar kale yeeshay kulankoodii ay diirada ku saarayeen arrimaha doorashooyinka iyo amniga.

Is-araga ayaa la wariyey in ay falanqeyn iyo wadatashi ka yeesheen cabashooyinkii la xiriira hufnaan iyo daahfurnaan la’aanta doorashada oo ay soo gudbiyeen Midowga murashaxiinta, Bulshada Rayidka iyo Saaxiibada Caalamka.

Afhayeenka madaxtooyadda Puntland, Jaamac Dabraani oo qoraal ku daabacay ciwaankiisa gaarka ah ee Facebook-ga ayaa tibaaxay in hogaamiyeyaasha ay berri isku soo laaban doonan.

"Kulankii maanta ee Shirka Golaha Wadatashiga Qaran, hadda ayuu soo dhammaaday waxaana socda latashiyadii ugu danbeeyay, Berito ayeey isu soo laaban doonaan waxaana qorshuhu yahay inay la kulmaan Midowga Musharixiinta Madaxweynaha Soomaaliya," ayuu yiri.

Dhankiisa afhayeenka xukuumadda xilgaarsiinta Maxamed Ibraahim Macalimuu oo qoraal ku daabacay ciwaanadiisa baraha bulshadda ayaa caddeeyay in doodaha ay sii socon doonan.

"Saaka oo Sabti ah waxa Madaxda Gollaha Wadatashiga Qaran ay sii wadaan kulankoodii ay diiradda ku saaranayeen arimaha doorashooyinka," ayuu ka dhawaajiyey Macalimuu.

Ra’iisal wasaaraha xilgaarsiinta Rooble ayaa horay balan qaaday in dalka ka qabsoomeyso doorasho daaf-furan oo lagu kalsoon yahay iyo xaqiijinta qoondada haweenka ee golaha shacabka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh: Israa’iil amar la'aantay cagta masoo dhigi karta Soomaaliya

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ugu dambeyn ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed inay ilaashadaan midnimada iyo wadajirka.

  • Soomaliya

    04-07-2026

  • 01:15PM

Xamza: Dowladda Federaalka ma joojin doonto ciidamada ay qoranayso Puntland

Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu sidoo kale ku eedeeyay Madaxweynaha dowladda Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni.

  • Soomaliya

    04-07-2026

  • 12:13PM