Shirka Guddoomiyeyaasha Baarlamaanada oo ka furmaya Baydhabo

Image

BAYDHABO, Soomaaliya - Waxaa maanta lagu wadaa in magaalada Baydhabo uu ka furmo Shirka Guddoomiyeyaasha Baarlamaanada Soomalaiya, kaasi qabashiisa dhaliyay khilaaf xooggan oo soo kala dhexgalay Gollaha Shacabka iyo Aqalka sare.

Mahad Cabdalla Cawad, gudoomiye ku xigeenka labaad ee Gollaha Shacabka oo Baydhabo kula hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in Shirka uu yahay midkii 4aad oo ay yeeshaan Guddoomiyeyaasha Baarlamaanada dalka.

Cawad ayaa sheegay qabashada shirkan Baydhabo lagu go’aamiyay midkii ka horeeyay ee ka dhacay Muqdisho, iyadoo xilligaasi aysan ka jirin dalka maamullada cusub ee dhawaan la dhisay sida Galmudug iyo HirShabeelle.

Wali lama shaacin ajandaha Shirka Baydhabo, balse Mahad Cabdalla Cawad ayaa tilmaamay in looga hadli doono Shirka furmaya arrimo hormar ah u ah Baarlamaanada dowlad goboleedyada iyo kan Federaalka.

Shirkan ayaa la filayay inuu shalay furmo, balse dib u dhac ayaa ku yimid, kadib markii wafuuda ka qeyb-galaysa ay isla shalay gaareen magaalada Baydhabo.

Cabdi Xaashi, Gudoomiyaha Aqalka Sare ayaa bartamihii bishan shaaciyay in shirka Baydhabo uu yahay mid aan waafaqsanayn dastuurka oo sharci darro ah, isagoo warqad uu u qoray Madaxda maamullada iyo Madaxwyne Farmaajo uga codsaday in la joojiyo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya: Mareykanka oo ku duqeeyay Daacishta Buuraha Calmiskaad

Faahfaahin gaar ah oo ku saabsan cutubyada iyo qalabka la adeegsaday lama shaacin doono si loo ilaaliyo amniga howlgalka.

  • Soomaliya

    11-03-2026

  • 01:33PM

Madaxweyne Axmed Madoobe oo la kulmay Taliyaha Howlgallada Gaarka ah ee AFRICOM

Dardargelinta howlgallada ka dhanka ah kooxda Khawaarijta si looga sifeeyo deegaannada ay weli ku dhuumaalaystaan.

  • Soomaliya

    09-03-2026

  • 10:18PM