Shirka hogaamiyaasha Somalida oo lasoo gaba-gabaynayo

Image

MUQDISHU, Somalia- Shirka madaxda dowladda Federaalka Somalia iyo maamul goboleedyada uga socdo xarunta Madaxtooyada magaalada Muqdishu ayaa galay maalintii labaad.

Madaxweyne Farmaajo, Ra'iisul wasaare Xasan Cali Kheyre, iyo Madaxda maamullada Puntland, Galmudug, Koonfur Galbeed, HirShabelle iyo Jubbaland ayaa ka qeybgalaya Shirka.

Waxaa sidoo kale jooga Guddoomiyaasha labada Aqal ee golaha shacabka.

Madaxda ayaa Kulankooda diiradda ku saaraya Saddex Qodob oo kala ah;  Amniga Guud ee Dalka, Shirka London, iyo Isku Dhafka ciidamada maamul goboleedyada dalka, oo laga dhigayo ciidan Qaranka.

Arinta Shirka caalamiga ee London ayaa hareeyay kulankii shalay, waxaa la isku afgartay in dowladda dhexe looga dambeeyo siyaasadda dibadda, iyo shirarka caalamiga ah, sida uu qabo Dastuurka Somalia.

Kulanka ayaa lagu wadaa in gelinka dambe ee Maanta oo Axad ah lasoo gaba-gabeeyo, islamarkaana laga soo saaro War-murtiyeed ay u dhan yihiin Dowladda dhexe iyo maamul Goboleedyada wadanka ka jira.

GAROWEONLINE

Related Articles

Fiqi oo Difaacay Ururka Jaamacadda Carabta Kaddib Dhaliil ka Timid Itoobiya

Safiirka dalka Itoobiya ee Muqdisho, Suleyman Dedefo, ayaa dhankiisa ku eedeeyay Jaamacadda Carabta.

  • Soomaliya

    10-09-2025

  • 06:46PM

Mareykanka oo Xaqiijiyay Taageeradiisa Soomaaliya ee La Dagaallanka Al-Shabaab iyo Daacish

Maamulka Trump ayaa kordhiyay duqeymaha cirka ee dalka Soomaaliya, oo la eegnayo Al-Shabaab iyo ISIS.

  • Soomaliya

    10-09-2025

  • 12:52PM