Shirka Hogaamiyaasha Soomaaliya oo ka furmay Muqdisho

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Waxaa saaka si rasmi ah magaalada Muqdisho uga furmay Shirka Amniga Qaranka ee Hogaamiyaasha dowlad goboleedyada iyo dowladda Federaalka Soomaaliya.

Madaxweyne Farmaajo ayaa Shirkan oo socon doono mudo labo maalmood ah ka daah-furay xarunta Villa Soomaaliya, iyadoo ay ka qeybgalayaan Madaxweyniyaasha dowlad goboleedyada Puntland, Jubbaland, Galmudug, HirShabeelle iyo Koonfur Galbeed.

Ra'iisul Wasaare Xasan Cali Khayre, Gudoomiyaha gobolka Banaadir Eng Cabdiraxmaan Yariisow iyo Taliyeyaasha ciidamada xoogga dalka ayaa sidoo kale ku sugan madasha Shirka, kaasi oo diirada lagu saarayo dhisamaha ciidan qaran iyo qodobo kale.

Wararka ayaa sheegaya in madaxda maamullada ay wataan ajande kale oo ah in laga doodo arinta ku saabsan qeybsiga Khayraad iyo dib u eegida Dastuurka, oo looga hadlay Shirkii kan ka horeeyay ee sanadkii tagey ka dhacay Caasimadda.

Shirka Golaha Amniga Qaranka oo noqonaya midkii 6-aad oo Goluhu yeesho tan iyo markii lagu dhawaaqay, ayaa la filayaa in ay kasoo baxaan qodobbo muhiim ah.

Saaxiibada Beesha Caalamka ayaa la sheegay inay dhaliilsan yihiin hanaanka uu ku socda geedi socodka in dalka la gaarsiiyo doorasho qof iyo cod 2020-ka iyo in lagu dhisi ciidan qaran oo isku dhafka oo mas'uuliyadda amaanka kala wareega AMISOM.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Axmed Madoobe oo la kulmay Taliyaha Howlgallada Gaarka ah ee AFRICOM

Dardargelinta howlgallada ka dhanka ah kooxda Khawaarijta si looga sifeeyo deegaannada ay weli ku dhuumaalaystaan.

  • Soomaliya

    09-03-2026

  • 10:18PM

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Saxiixay Dastuurka Cusub ee Dalka xilli ay Jirto Diidmo xooggan

Tallaabadan ayaa timid ka dib markii 4-tii Maarso ay baarlamaanku ansixiyeen wax-ka-beddelka dastuurka.

  • Soomaliya

    08-03-2026

  • 08:15PM