Shirka London oo furmay iyo dibadbax looga soo horjeedo oo billowday

Image
Image
Image

LONDON, UK - Waxaa maanta magaaladda London, ee xarunta UK ka furmay Shir looga hadlayo arrimaha shidaalka dalka Somala, kaasi oo soo qaban-qaabisay Shirkad ajnabi ah oo lagu magacaabo Spectrum.

Boqolaal qof oo Soomaali ah, oo ka kala yimid dalalka Yurub ayaa dibadbax looga soo horjeedo Shirka ka dhigaya banaan hotel-ka lagu shirayo, kuwaasoo ku dhawaaqaya hal-ku-dhigyo ay kamid yihiin "iib ma ahan shidaalka Somalia".

Ujeedka shirka ayaa lagu tilmaamay soo bandhigida Sahan la xiriira shidaalka gunta badda Somalia, oo ay sameysay shirkada Spectrum, iyadoo lagu casuumay Shirkado ajnabi ah oo daneynaya maalgashiga shidaalka Somalia.

Shirkada Spectrum waxaa ruqsada sahminta shidaalka Somalia la siiyay September, 2015 kadib heshiis ay saxiixday Xukuumadda Ra'iisul Wasaare Cumar Cabdirashiid.

Dhanka kale, mucaaradka dowladda Federaalka, oo uu kamid yahay xisbiga Wadajir ee uu hogaamiyo Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa walaac ka muujiyay shirka London, oo uu sheegay in lagu xaraashayo Shidaalka Somalia.

Qoraal uu soo saarey Xisbiga ayuu ku sheegay in Xukuumadda Somalia ay ku beecinayso Shirka si xaraash ah [Qiimo jaban] 50 xirmo [50 blocks], oo ku teedsan dhul ku fadhiya 173,000-KM.

Shacabka Soomaaliyeed iyo siyaasiyiin badan ayaa dareen ka qaba shirka London, oo aan ka jirin dhinac dowladda Somalia iyo Shirkadda Spectrum, oo ku saabsan ajandooyinka iyo macluumaadka lasoo bandhigayo.

Guddiga Kheyraadka Aqalka Sare ayaa shirci darro ku tilmaamay Shirka, maadaama la qabanayo xilli aan dalka lahayn sharci dhinaca shidaalka, oo baarlamaanku ansixiyay iyo khilaaf u dhaxeeya dowladda iyo maamul goboleedyada.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xiisad Cusub: Puntland oo Eedaysay Madaxweyne Xasan Sheekh

Wasaaraddu waxay sheegtay in guddigu uu jadwalkiisa ku daray degmada Galdogob ee gobolka Mudug.

  • Soomaliya

    24-02-2026

  • 11:17AM

Dowladda Soomaaliya oo Maraykanka u soo bandhigtay saldhigyo militari iyo khayraad dabiici ah

Tallaabadan ayaa muujinaysa tartan sii xoogeysanaya oo ku saabsan cidda noqon doonta lammaanaha ugu weyn ee Maraykanka ee Geeska Afrika.

  • Soomaliya

    23-02-2026

  • 01:20PM