Shirka Madaxda dowladda Somalia iyo maamullada oo Mudishu ka furmaya

Image

MUQDISHU, Somalia- Waxaa manta lagu wadaa in magaalada Muqdishu ka furmo shir u dhaxeeya madaxda dowladda Somalia iyo kuwa maamul goboleedyada dalka kaasoo looga hadlayo arrimaha waddana ka jira.

Wararka uu helayo Garowe Online ayaa sheegaya in shirkan diiradda lagu saari doono sidii loo xoojin lahaa wada-shaqaybta dowladda dhexe iyo maamullada qaybta ka aha iyadoo sidoo kale ajandayaasha ku jiraan amniga iyo la dagaallanka kooxda Al Shabaab.

Ujeedka ugu muhiimsan ee shirkan laga leeyahay ayaa ah in la helo ajanda midaysan oo madaxda Somalida la tagaan waddanka Ingiriiska oo  bisha May lagu qaban doono kulan xaaladda Somalia looga hadlayo.

“Shirka wuxuu furmi doonaa doonaa saacadaha soo socda, waxaana diiradda lagu saarayaa xaaladda waddanka iyo abaaraha,” Sidaas waxaa GO u sheegay mas’uul katirsan Villa Somalia.

Khamiistii lasoo dhaafay ayay ahayd markii madaxda maamullada ay tageen magaalada Muqdishu kadib markii ay casuumad ka heleen dowladda dhexe, wuxuuna noqonayaa shirkii labaad ee dhexmara madaxda cusub iyo hogaamiyaasha dowlad goboleedyada tan iyo intii la doortay Madaxweyne Farmaajo bishii lasoo dhaafay.

GAROWEONLINE

Related Articles

Koonfur Galbeed oo Mas'uuliyiin katirsan DFS ku Eedeysay inay Xiriir la leeyihiin Al-Shabaab

Xiisadda ayaa sii korortay kadib markii maamulka Koonfur Galbeed uu ku dhawaaqay joojinta wada-shaqeyntii kala dhaxeysay Muqdisho.

  • Soomaliya

    18-03-2026

  • 08:47PM

Dowladda Soomaaliya oo xayiraad saartay Duulimaadyadii Baydhabo

Dhinaca kale, Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliya (SCAA) ayaa iska fogeysay in ay jirto xanibaad rasmi ah oo ay iyagu soo rogeen.

  • Soomaliya

    17-03-2026

  • 11:32AM