Shirka Musharixiinta oo ka furmay Muqdisho

Image
Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Musharaxiinta mucaaradka ayaa kulan uga furmay Maanta oo Sabti ah Muqdisho, iyadoo ajandaha shirka uu yahay arrimaha doorashooyinka iyo gudiyadda uu magacaabey Rooble ee khilaafka ka taagan.

Madaxweyniyeyaashii hore Xasan Sheekh iyo Sheekh Shariif ayaa kamid ah Mushariixinta oo gaaraya illaa 12, kuwaasoo la filayo inay go'aan mideysan ka qaataan gudiyadda dooararashooyinka oo ay sheegeen in lagu soo daray xubno kamid ah NISA iyo shaqaalaha dowladda.

Shirkan ayaa cadaadiska kusii kordhanaya Maamulka Farmaajo, oo loogu baaqey inuu dhiso gudiyo doorasho oo isla isku raacsan yahay, islamarkaana qaban kara doorasho xor iyo xalaal ah, oo dhinacyada wada ogol yihiin.

Lama oga waxa uu noqon doono go'aanka Musharixiinta ku kulmaysa Muqdisho, waxaana isha lagu hayaa war-murtiyeedka laga soo saari doono shirka, oo la filayo inuu socdo mudo 3 maalmood.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Qaramada Midoobay oo taageertay in wadahadal lagu xaliyo khilaaf doorasho iyo dastuur 

Qaramada Midoobay ayaa tilmaantay in madashani ay muhiim u tahay xoojinta wadajirka siyaasadeed.

  • Soomaliya

    22-01-2026

  • 12:58PM

Ciidamada dowladda oo dib ula wareegay Kudhaa kadib dagaal culus

Sidoo kale, waxaa la soo bandhigay gaadiid dagaal iyo hub ay ciidamada ka furteen Al-Shabaab, oo katirsan Al-Qaacida.

  • Soomaliya

    22-01-2026

  • 09:40AM