Shirka soo aadan ee madaxda Soomaalida oo la muddeeyay

Image
Waqtiga ayaa lagu go'aamiyey kulan ay caawa xaalada fogaan araga ku yeesheen hogaanka golaha wadatashiga qaranka. [File Photo]

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxda Golaha Wadatashiga Qaran oo ka kooban Dowladda Federaalka Soomaaliya, Dowlad Goboleedyada xubnaha iyo gudoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa caawa waxay yeesheen kulan fogaan arag ah.

Xukuuamdda xilgaarsiinta oo war-saxaafadeed kasoo saartey kulankan ayaa waxay fahfaahin dheeraad ah waxay ka bixisay is-aragan uu guddoomiyey ra'iisul wasaaraha xilgaarsiinta Rooble.

Sida laga soo xigtay war-saxaafadeedka, kulankan ayaa waxaa kasoo baxay natiijo ah in madaxdu shir isugu yimaadaan Khamiista soo socota oo taarikhda ku beegan tahay 19-ka bishan Ogoosto.

"Ra’iisul Wasaaraha XFS Maxamed Xuseen Rooble ayaa caawa waxa uu shir guddoomiyay kulan ku qabsoomay habka fogaan  aragga kaas oo ay ka qeyb galeen Madaxda Golaha Wadatashiga Qaran oo ka kooban Dowladda Federaalka, Dowlad Goboleedyada dalka iyo Gobolka Banaadir," ayuu yiri xafiiska Rooble.

Bayaanka ayaa la raaciyey: "Golaha Wadatashiga Qaranka ayaa isku raacay in ay kulan Muqdisho isugu yimaadaan Khamiista soo socota oo ku beegan 19-ka bishan Ogoosto, kaas oo diiradda lagu saari doono u diyaar garowga doorashooyinka Golaha Shacabka, diyaarinta habraacyada doorashooyinka , raadinta dhaqaalaha dhiman ee ku baxaya doorashooyinka ee aan weli soo xeroon iyo sidii horey loogu socon lahaa".

"Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa ku boorriyay Dowlad Goboleeyada in ay dardar galiyaan hirgalinta doorashooyinka Aqalka Sare si looga baaqsado dib u dhac loona gaaro jadawalka doorashooyinka," ayaa lagu soo xiray qoraalka.

Garowe Online ayaa horey u shaaciyey macluumaadka qabsoomida wadaxaajoodyadan. Warsidaha wuxuu fahansan yahay in kulanka laga yaabo in isbedel loogu sameeyo habraaca doorashooyinka heer federaal.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Jubbaland iyo Danab oo Ku Dhow Inay Jamaame Kala wareegaan Al-Shabaab

Dadka deegaanka ayaa u sheegay warbaahinta in qaar badan oo ka tirsan dagaalyahannada Al-Shabaab ay dib ugu gurteen dhinaca Jilib.

  • Soomaliya

    20-11-2025

  • 11:38AM

Gollaha Wasiirrada Soomaaliya oo Ansixiyay Heshiisyo iyo Shuruuc Muhiim ah

Xildhibaanadu waxay kaloo oggolaadeen Axdiga Ururka Caalamiga ah ee Dayax-gacmeedka Guur-guura.

  • Soomaliya

    20-11-2025

  • 10:23AM