Shirka u furmay madaxda Soomaalida xilli ay xasarado jiraan

Image
Image
Image
Qalalaasahan saddex geesoodka ah ayaa lagu wadaa in ay si weyn u hareeyaan mudada uu socdo is-aragan.

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa guddoomiyey Shirka 4-aad ee Golaha Wadatashiga Qaranka ee Dowladda Federaalka iyo Dowlad-goboleedyada xubnaha ka ah oo maanta ka furmay Madaxtooyada Muqdisho.

Villa Soomaaliya ayaa sheegtay: "Shirkan ayaa Madaxdu waxay ku odroosayaan federaaleynta garsoorka iyo asteynta awoodaha heer Federaal iyo heer Dowlad-goboleed, arrinkan oo qeyb ka ah dhammeystirka fulinta qodobbadii warmurtiyeedkii ka soo baxay Shirkii Madasha Qaranka 3-aad ee ku soo gaba-gaboobay Muqdisho 12-kii Sebteembar".

Sidoo kale, Madaxda heer Federaal iyo heer Dowlad-goboleed waxay iska xog-wareysan doonaan xaaladda amniga dalka, gaar ahaan dagaalka ka dhanka ah argagixisada Al-shabaab oo Ciidamada Xoogga dalka ay ka soo hoyeen guulo waaweyn, kana xoreeyeen deeganno badan oo ay horey ugu dhibaateynayey shacabka Soomaaliyeed.

Shirkan waxaa ka qeyb galay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre, Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Salah Jama, Madaxweyneyaasha Dowlad-Goboleedyada, Jubbaland Axmed Maxamed Islaam, Koonfur-Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed, Puntland Saciid Cabdullahi Deni, Galmudug Axmed Cabdi Kaariye, Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale.

Kulankan ayaa kusoo hagaagaya xilli mowjado siyaasadeed ay jiraan. Xiisadahan ayaa ka oogan Koonfur Galbeed, Puntland iyo gobolka Gedo. Qalalaasahan saddex geesoodka ah ayaa lagu wadaa in ay si weyn u hareeyaan mudada uu socdo is-aragan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Haweeney Lagu Xukumay 15 Sano ka Dib Ururinta $1.2 Milyan oo Al-Shabaab loogu Maalgaliyay

“Dhammaan dadka ku lugta leh falalkan halista ah waxaa la horkeeni doonaa sharciga si cadaaladda loo waafajiyo,” ayaa lagu yiri bayaanka xafiiska.

  • Soomaliya

    16-09-2025

  • 11:46AM

Madaxweynaha Soomaaliya iyo Amiirka Qatar oo Kulan Muhiim ah Ku Yeeshay Doha

Xasan Sheekh ayaa Amiirka Qatar la wadaagay dareenka shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed ee ku aaddan garab-istaagga shacabka Qatar.

  • Soomaliya

    15-09-2025

  • 12:24PM