Shirka Wasiirada Soomaaliya oo looga hadlay shaqaaqadii xabsiga Muqdisho

Image
Ra'iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa guddoomiyay Shirka Todobaadlaha Xukuumadda Soomaaliya.

MUQDISHO, Soomaaliya - Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo maanta yeeshay kulankooda toddobaadlaha ah, ayaa lagu dhageystay warbixinno kala duwan oo ku saabsan xaaladda guud ee dalka.

Golaha ayaa Wasaaradaha Amniga Gudaha, Gaashaandhigga iyo Caddaaladda ka dhageystay warbixinno ku saabsan amniga guud ee dalka, howlgalladii ugu danbeeyey ee lagu ciribtirayo kooxaha Al-Shabaab ee ay ciidanka Qaranku ka wadaan qaar kamid ah gobollada dalka iyo shaqaaqadii dhawaan ka dhacday Xabsiga dhexe ee Xamar.

Shirka Golaha Wasiirrada oo uu guddoominayey Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, ayaa sidoo kale lagu dhagaystay warbixinno kala duwan oo la xiriira, Arrimaha Xajka, Isku-xirka Dowladaha Hoose iyo la tacaalidda dhaawacyada iyo Cudurrada faafa ee ay kamid yihiin Shuban biyoodka, Gawracatada iyo Jadeecada.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Aabbe lagu eedeeyay inuu gubay afar carruur ah oo uu dhalay oo lagu xiray Hargeysa

Dadka Deriska ayaa xaqiijiyay in lammaanaha ay isla soo muuqdeen maxkamad subaxnimadii dhacdadu dhacday.

  • Soomaliya

    10-11-2025

  • 06:07AM

Hal qof oo ku dhintay qarax miino oo ka dhacay magaalada Baraawe

Baraawe ayaa muddooyinkii dambe ahayd magaalo muhiim ah oo ay ciidamada dowladda iyo kuwa AUSSOM ay si dhow u maamulaan.

  • Soomaliya

    09-11-2025

  • 08:11PM