Shirka Wasiirada Soomaaliya oo looga hadlay shaqaaqadii xabsiga Muqdisho

Image
Ra'iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa guddoomiyay Shirka Todobaadlaha Xukuumadda Soomaaliya.

MUQDISHO, Soomaaliya - Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo maanta yeeshay kulankooda toddobaadlaha ah, ayaa lagu dhageystay warbixinno kala duwan oo ku saabsan xaaladda guud ee dalka.

Golaha ayaa Wasaaradaha Amniga Gudaha, Gaashaandhigga iyo Caddaaladda ka dhageystay warbixinno ku saabsan amniga guud ee dalka, howlgalladii ugu danbeeyey ee lagu ciribtirayo kooxaha Al-Shabaab ee ay ciidanka Qaranku ka wadaan qaar kamid ah gobollada dalka iyo shaqaaqadii dhawaan ka dhacday Xabsiga dhexe ee Xamar.

Shirka Golaha Wasiirrada oo uu guddoominayey Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, ayaa sidoo kale lagu dhagaystay warbixinno kala duwan oo la xiriira, Arrimaha Xajka, Isku-xirka Dowladaha Hoose iyo la tacaalidda dhaawacyada iyo Cudurrada faafa ee ay kamid yihiin Shuban biyoodka, Gawracatada iyo Jadeecada.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xamse Cabdi Barre oo Al-Shabaab Usoo Bandhigay Wadahadal Shuruud ku xiran

Wuxuu sheegay in dowladda mar walba diyaar u tahay wada-hadal haddii Al-Shabaab ay qaaddo tallaabo dhab ah oo ku wajahan wadahadalka.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 01:52PM

Xasan Sheekh iyo Cirro oo Mareykanka ka wada dadaallo diblomaasiyadeed oo kala duwan

Dhanka Somaliland, taageerayaal ku nool qurbaha oo uu hoggaaminayay wasiirkii hore ee Maaliyadda Soomaaliya.

  • Soomaliya

    26-09-2026

  • 12:23PM