Shirkad ilaalisa xafiisyada UN-ka ee Muqdisho oo la qarxiyey

Image
Lama ogga haddii xubno ka tirsan ilaaladda shirkadda uu dhaawac soo gaarey.

MUQDISHO, Soomaaliya - Qarax xooggan oo aroornimada Khamiista maanta ah ka dhacay magaalada Muqdisho ayaa sababay dhimashadda ugu yaraan 8 qof oo rayid u badan, sida ay Garowe Online u sheegeen illo dhanka amniga.

Weerarka ayaa ka dhacay jidka madaxtooyaddii hore ee Cabdiqaasim. Illo boolis waxay sheegeen in lala beegsadey kolanyo ay leedahay shirkad maxali ah oo waardiyeysa xafiisyadda Qaramadda Midoobay.

Lama ogga haddii xubno ka tirsan ilaaladda shirkadda uu dhaawac soo gaarey. Balse, sarkaal boolis wuxuu xaqiijiyey in ay jirto waxyeelo daran oo soo gaartey 17 qof oo loo maleynayo in ay yihiin shacab wadada marayey.

Goobta qaraxu ka dhacay waxaa ku yaallo xarumo jaamacadeed. Mootooyinka Bajaajta ayaa aad u adeegsada jidka oo sanadkan dib loo furay. Xaqiiqooyinkan waxay sababayaan in waxyeeladda ay sii kordhi karto.

Ficiladda noocaan ah ee lala beegsado shaqaalaha hay'addaha ajnabiga ah ee ku sugan Muqdisho ayaa caado ah. Maleyshiyadda Al-Shabaab ayaa aalaaba waxay dusha saartaan falalka noocaan ah ee ka dhaca caasimada.

Kooxda gacansaarka la leh Al-Qaacida oo si deg-deg ah u sheegatay qaraxan ayaa ku tilmaamtay "ismiidaamin lagu beegsadey saraakiil caddaan ah oo kasoo baxdey xeradda tababarka ee Jeneraal Godan".

Sawirro laga soo qaadey goobta ay wax ka dhaceen ayaa muujinaya burbur xooggan oo soo gaarey iskuulka Mocassir. Muuqaaladda sidoo kale waxay tusinayaan boorsooyin iyo buug daadsan bartamaha iskuulka burburay.

"11 kamid ah ardayda iskuulka Mocassir ayaa ku dhaawacantay qaraxa. Qaar kamid ah xaaladooda way culus tahay. Balse, waxaan u rajeynaynaa soo kabasho deg-deg ah," ayuu yiri xubin ka tirsan maamulka dugsiga.

Weerarkan ayaa kusoo aadaya xilli joogitaanka ciidamadda Midowga Afrika ee ku sugan Soomaaliya wadahadalo laga yeelanyo iyo Soomaaliya oo guda gashay doorashooyin si weyn dib ugu dhacay oo masiirkooda la isku hayo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dabageed oo ka hadlay khilaafka siyaasiyiinta Hiiraan iyo maamulka HirShabelle

Yuusuf Axmed Hagar Dabageed ayaa tibaaxay in khilaafkan uu caqabad ku yahay horumarka dowlad goboleedka.

  • Soomaliya

    12-05-2024

  • 02:14PM

Dhageysiga rafcaanka kiiska Sayid Cali Daa'uud oo lasoo gabagabeeyay

Maxkamaddu waxay sheegtay inay ku dhawaaqi doonto go’aanka kama dambaysta ah, balse ma aysan cayimin taariikhda.

  • Soomaliya

    12-05-2024

  • 02:08PM