Shirkada Diyaaradaha Israa’iil oo digniin u dirtay Dowlada Soomaaliya

Image
Diyaaradda ay iska leedahay Yahuuda ee El AI ayaa sheegtay in shaqaaqo la kulantay xili ay dul-mareysay hawada Soomaaliya.

MUQDISHO, Soomaaliya - Diyaaradda ay iska leedahay Yahuuda ee El AI ayaa sheegtay in shaqaaqo la kulantay xili ay dul-mareysay hawada Soomaaliya.

Duulimaadkan ayaa waxa uu kusii jeeday dalka Thailand.

El Al ayaa caddeysay in dhacdadan aysan ahayn mid amni darro ah ama si gaar ah loogu bartilmaameedsaday diyaaradda Israa’iil.

Sida laga soo xigtay warbixin ay daabacday Ynet, El Al ayaa sheegtay in duulimaadyada maraya hawada Soomaaliya ay la kulmeen carqalado xagga isgaarsiinta raadiyaha ah.

Shirkadda ayaa arrintan uga digay dowladda Soomaaliya, iyadoo la xusay in “carqaladaan aan loola dan lahayn [diyaaradaha El Al] islamarkaana aysan ahayn dhacdo amni — carqaladdu ma saameynin sii socoshada duulimaadka.”

Tani waxay imaanaysaa xilli Somaliland ay wajahayso eedeymo ah in ay jahwareerineyso hanaanka maamulka hawada Soomaaliya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM

Xamse Cabdi Barre oo Al-Shabaab Usoo Bandhigay Wadahadal Shuruud ku xiran

Wuxuu sheegay in dowladda mar walba diyaar u tahay wada-hadal haddii Al-Shabaab ay qaaddo tallaabo dhab ah oo ku wajahan wadahadalka.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 01:52PM