Shirkado loo ogolaadey in ay hub u dhoofiyaan Soomaaliya

Image

LONDON, UK – Soomaaliya ayaa waxay kamid tahay dalal ku yaala qaarada Afrika oo shirkadaha Australia loo ogolaadey in ay hub u dhoofiyaan, sidda lagu daabacay wargeyska afka dheer ee The Guardian.

Ogolaanshiyaha oo qalinka lagu duugay sanadkii hore ayaa waxaa muuqaneysa in ay haatan soo ifbaxday.

Sidda laga soo xigtay warbixinta jaraa'idka, shirkadaha waddankaas ayaa kaliya haysta ogolaanshiyo shan jeer ah.

Balse, waxaa looga baahan yahay in markii a dhoofiyaan hubka ay dib ugu soo laabtaan gudaha Australia.

Wadamada kale ee liiska ku jira ayaa waxaa kamid ah; Liibiya, Mali, Jamhuuriyadda Bartamaha Afrika iyo Koongada Dimuqraadiga ah [DRC]. Wasaarada Difaaca Australia ayaa bixisay ruqsada.

Badi dalalkaas waxaa ka aloolsan xaalad colaadeed iyo xasilooni darro sababaty barakac baaxad leh iyo macluul daran.

Warbixinta ma aysan soo bandhigin magacyadda shirkadaha loo fasaxay in ay ka macaashaan hub ay u iib-geeyaan Soomaaliya.

Paul Ronalds, oo ah madaxa fulinta Save the Children Australia, ayaa cod dheer kusoo jeediyey in si degdeg ah loo joojiyo hubka loo dhoofinayo wadamada Soomaaliya iyo Mali.

"Waxaa loo baahan yahay in lala xisaabtamo shirkadaha hubka ee Australia," ayuu hadalkiisu ku daray, isagoo u waramay isla majaladan.

Iyadoo ay arrintaas digniin uga soo saartay Qaramada Midoobay, haddana Soomaaliya waxaa saaran xayiraad dhanka hubka ah, taasoo dowlad walba ku dedaaleysa sidii ay u soo afjari lahayd.

Shirkadaha hubka ee Australia waxaa lagu tilmaamay kuwa ka macaasha qalabka milatari iyo hubka ay u iib-geeyaan dalalka ay colaaduhu ka jiraan, wallow ay diideen eedeynta in ay sharci daro yihiin.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Cali Guudlaawe oo ku Dhawaaqay inuu Yahay Musharrax, Isagoo sugaya Tikidhka Xisbiga JSP

Dhinaca kale, dadka dega gobolka Hiiraan ayaa qaba tabashooyin waaweyn oo ka dhanka ah maamulka Cali Guudlaawe.

  • Soomaliya

    28-06-2026

  • 12:11PM

Soomaaliya: Agaasimihii Hore ee NISA oo Wasiirka Gaashaandhigga Ku Eedeeyay Cabsi-gelin Siyaasadeed

Hadalka Sanbaloolshe ayaa yimid kaddib markii Wasiir Axmed Macallin Fiqi uu sheegay in dowladda ay "u naxariisatay".

  • Soomaliya

    27-06-2026

  • 08:53PM