Wadahadalka madaxda Soomaalida oo bilowday

Image

DHUUSAMAREEB, Galmudug - Shirkii dowladda federaalka iyo maamuladda ee arrimaha doorashooyinka 2020-21 ayaa Arbacada maanta ah ka bilowday caasimadda Galmudug ee Dhuusamareeb.

Wadahadaladda ayaa qorshuhu ahaa in ay furmaan 1-da Febraayo, balse waxaa ku yimid dib-u-dhac balaaran. Ma cadda sababta keentay baaqashada, balse waxaa loo aaneynaya jadwalka.

Madaxda ka qeybgaleysa shirka ayaa kala ah; madaxweyne Farmaajo, Ra'iisul Wasaare Rooble, madaxweyneyaasha maamulada Puntland, Galmudug, Koonfur Galbeed, HirShabelle, Jubaland, iyo gudoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho, Cumar Maxamuud Maxamed [Cumar Filish].

Shirkan ayaa furmaya iyadda oo wali ay taagan yihiin caqabadihii la isku hayey weli, waxaa sii dheer gudoomiyaha gobolka Banaadir oo u jooga goobta in 13 xubnood lagu daro xildhibaanada aqalka sare.

Sida caadada aheyd madaxda ku shireysa ayaan waxaan wehelin qofna sidda kulamadii hore ee Soomaaliya lagu yaqaaney taas oo la macno ah in ay albaabada u xiran yihiin xog helida adkeyneysa.

Wasiirka warfaafinta dowladda Puntland, Cabdullaahi Xersi Timacadde oo khadka telefoonka ugu waramay Garowe Online, ayaa rajeeyay in shirka ay kasoo baxaan qodobo u wanaagsan masiirka dalka.

Mr Timacadde ayaa ku nuux-nuux-saday in shirka aan lagu soo hadal-qaadeyn ajende ka baxsan heshiiskii 17-kii September.

Dhawaqan wuxuu imaanayaa xilli Villa Soomaaliya qorsheyneyso in shirkaan lagu faaqido kuraasta ay u saxiixdey gobolka Banaadir taas oo ah ajende Farmaajo doonayo in uu ololaha doorashada ku galo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Jubbaland iyo Danab oo Ku Dhow Inay Jamaame Kala wareegaan Al-Shabaab

Dadka deegaanka ayaa u sheegay warbaahinta in qaar badan oo ka tirsan dagaalyahannada Al-Shabaab ay dib ugu gurteen dhinaca Jilib.

  • Soomaliya

    20-11-2025

  • 11:38AM

Gollaha Wasiirrada Soomaaliya oo Ansixiyay Heshiisyo iyo Shuruuc Muhiim ah

Xildhibaanadu waxay kaloo oggolaadeen Axdiga Ururka Caalamiga ah ee Dayax-gacmeedka Guur-guura.

  • Soomaliya

    20-11-2025

  • 10:23AM