Shirkii Farmaajo iyo Madaxda Maamullada oo baaqdey

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Shir la filayay inuu Maanta Muqdisho uga furmo Madaxda dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada, ayaa baaqdey, kadib markii la qaadacay Casuumaadii Villa Soomaaliya fidisay.

Kulankan oo qabashadiisa madaxda labada dhinac ku go’aamiyeen Wadahadalkii Khadka Internet-ka 22-kii bishii lasoo dhaafay, ayaa lagu wadey inuu 5ta illaa 8da ka dhaco magaaladda Muqdisho.

Puntland iyo Jubaland ayaa qaadacay ka qeybgalka Shirka, taasoo keentay fashilka. Ajandaha Shirka ayaa ahaa in looga hadlo doorashooyinka, amniga, la dagaalanka Al-Shabaab, dhameystirka dastuurka iyo dhaqaalaha dalka.

Villa Soomaaliya wali ma aysan shaacin baaqashada shirka iyo sababta, balse waxaa la ogyahay in qodobadii lagu balamay kulankii internet-ka uu Farmaajo fulin waayay, sidaasina la isagu imaan waayay.

Waxay isla garteen dhinacyada in Gollaha Shacabka uu hakiyo ka doodista sharciyada khilaafka ka taagan yahay, ee waxka bedelka doorashooyinka, inta uu ka dhacayo kulanka maanta baaqdey.

Gollaha Shacabka ayaa ansixiyay Kuraasta Somaliland, Matelaada gobolka Banaadir iyo sharciyo kale, xilli ay dowladda Federaalka iyo Maamullada shirk u balansan-yihiin, arintaasina waxay horseeday fashil.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Golaha Mustaqbalka oo ku kulmay Muqdisho xilli xaraaradda doorashooyinku kordheyso

Sida ay ilo xog-ogaal ahi sheegayaan, kulankii ka dhacay Hotel Airport Golaha Mustaqbalka…

  • Soomaliya

    14-02-2026

  • 09:05PM

Turkiga oo Taangiyo Dagaal Keenay Soomaaliya

Ilo-wareedyo xog-ogaal u ah arrintan ayaa sheegaya in taangiyadan la geyn doono aagga degmada Warshiikh.

  • Soomaliya

    14-02-2026

  • 02:32PM