Shirkii Midowga Galmudug iyo Ahlu Sunna oo dib u dhacay

Image

DHUUSAMAREEB - Wararka aan ka helayno magaalada Dhuusamareeb ayaa sheegaya in dib u dhac uu ku yimid Shirkii lagu dhameystiri lahaa Heshiiska Galmudug iyo Ahu Sunna.

Shirka oo la filayay inuu maanta ka furmayo xarunta Madaxtooyada magaaladaasi ayaa la shaaciyay inuu dib u dhacay, iyadoo sababtuna lagu sheegay arrimo farsamo iyo Wafuud la casuumay oo wali aan imaan.

Madaxda la sugayo waxaa ka mid ah Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali "Gaas" oo ay shalay diyaaradii qaadi laheyd ee UN-ka ay is khilaafeen iyo Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe.

Safarka Cabdiweli Gaas ee Dhuusamareeb ayaa baaqday kadib markii isaga iyo wafdigii la socday ay aqbali waayeen inay u hogaansamaan shuruucda Diyaaradaha UN-ka, iyagoo diiday in la baaro. Halkan ka akhri.

Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa isna ka cudur-daartey shirka ka qeybgalkiisa, isagoo sheegay inuu ku mashquulsan yahay Shaqooyin deegaanka ah, sida lagu baahiyay qoraal kasoo baxay Madaxtooyada.

Labada hogaamiye ayaa kamid ah 5ta Madaxweyne dowlad goboleed ee ku midoobey shirkii lagu qabtey Kismaayo October, kaasi oo ay ku sameysteen Madal Cabdiweli Gaas gudoomiye loogu doortey.

Wararka Warsidaha Garowe Online uu ka helayo Illo lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in Cabdiweli Gaas iyo Axmed Madoobe ay maanta tagi doonaan Dhuusamareeb.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya: Mareykanka oo ku duqeeyay Daacishta Buuraha Calmiskaad

Faahfaahin gaar ah oo ku saabsan cutubyada iyo qalabka la adeegsaday lama shaacin doono si loo ilaaliyo amniga howlgalka.

  • Soomaliya

    11-03-2026

  • 01:33PM

Madaxweyne Axmed Madoobe oo la kulmay Taliyaha Howlgallada Gaarka ah ee AFRICOM

Dardargelinta howlgallada ka dhanka ah kooxda Khawaarijta si looga sifeeyo deegaannada ay weli ku dhuumaalaystaan.

  • Soomaliya

    09-03-2026

  • 10:18PM