Shirkii Muqdisho oo lasoo gabagabeeyay [Sawirro]

Image
Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Waxaa galabta lasoo gabagabeeyay Shirkii Mudada Labada maalmood uga socda magaalada Muqdisho hogaamiyaasha dowlada goboleedyada dalka, Madaxda dowladda Federaalka iyo wakiiladda beesha caalamka.

Shirka oo Madaxweyne Farmaajo uu shir gudoomiyay ayaa waxaa looga hadlayo wajigiisa kowaad amniga halka wajiga labaad oo maanta dhacay diidarada lagu saaray Siyaasadda, gaar ahaan doorashada 2020, dib u eegista dastuurka iyo arrimo kale.

Ergayga QM u qaabilsan Soomaaliya Micheal Keating iyo Wakiilo kale oo beesha caalamka ka socday ayaa ka qeybgalay Shirkan, oo daba socday midkii lagu qabtay magaalada London bishii May ee lasoo dhaafay.

Intii u socday Kulanka, waxaa si aad ah looga dooday qorshaha amniga qaranka, kaasi oo dhamaan ka qeybgaliyaasha ay sheegeen inuu muhiim u yahay xiligan dalka, maadaama ay AMISOM ka baxaysa Soomaaliya wixi ka dambeeya bishan December.

Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay in dowladdiisa ay ka go'an tahay inay dib u dhisto ciidamada xoogga dalka, si dalka nabad loogu soo dabaalo, oo muwaadiniintana u helaan deegaan xasiloon oo ay ku noolaadaan.

Qoraal lagu lasoo dhigay Bogga Twitter-ka Villa Soomaaliya ayaa lagu sheegay in dowladda Soomaaliya iyadoo kaashanaysa shacabkeeda iyo saaxiibada caalamka ay ka shaqeyn doonto xasilinta Soomaaliya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Cali Balcad: DFS waxay diyaar u tahay inay Somaliland la wadaagto dakhliga e-Visa 

Nidaamka e-Visa oo si buuxda u dhaqangalay Sebtembar 2025, ayaa qof kasta oo fiiso dalbanaya ku waajibinaya lacag dhan $64.

  • Soomaliya

    22-11-2025

  • 11:47AM

Shimbir safar 5,000 km ah kaga soo baxay India oo 5 Maalin kusoo gaaray Soomaaliya

“Apapang wuxuu hadda sameeyay ku dhawaad 5,400 km, wuxuuna ku qaatay 5 maalmood iyo 15 saac,” ayay Sahu ku qortay.

  • Soomaliya

    21-11-2025

  • 11:19AM