Shirkii Nairobi ku dhexmaray Xasan iyo Shariif oo guuldareystay

Image
Tani ayaa ka dhigan in fashilkan ay dhabaha u xaari karto mowjado kale oo siyaasadeed xooggan.

MUQDISHO, Soomaaliya - Kulan xasaasi ah oo magaalada Nairobi ku dhexmaray Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo Madaxweynaha hadda talada haya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa fashil kusoo dhamaadey.

Shirkan ayaa waxa uu ujeedkiisu ahaa sidii wax looga qaban lahaa dhibaatooyinka siyaasadeed iyo kuwa dastuuriga ah ee dalka ka jira. Balse, fashilka uu kusoo idlaaday waxay ay dhalisay dood dheer.

"Kaddib wada-hadallo badan, ma aanan gaarin wax go'aan ah oo ku saabsan qodobbada oo dhan," ayuu Sheekh Shariif ku sheegay war-saxaafadeedkiisa.

Shariif wuxuu ku nuux-nuux saday in loo baahan yahay in la wada hadlo, isagoo intaas ku daray, “Waxaan si niyadsami ah uga qayb-galay kulankan, anigoo ujeeddadiisu ahayd in aan go’aanno ka soo saarno arrimo kala duwan oo la isku hayo.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Khamiistii u safray magaalada Nairobi si uu ula kulmo dhiggiisa Kenya, William Ruto, si ay xal diblumaasiyadeed uga gaaraan khilaafka ka dhashay is-afgaradka ee Itoobiya iyo Somaliland.

Balse, shirka Xasan iyo Shariif ayaa diiradda lagu saaray arrimaha dastuurka iyo arrimaha siyaasadda oo ay ka mid yihiin khilaafka u dhaxeeya dowladda Federaalka Soomaaliya iyo dowlad goboleedka Puntland.

Sheekh Shariif ayaa mahadcelin ballaaran u jeediyay madax dhaqameedkii iyo waxgaradkii soo agaasimay kulanka, isagoo yiri “Alle ha ka abaalmariyo dadaalkooda”.

Sikastaba ha ahaatee, guuldaradda uu kusoo idlaadey kulanka Xasan iyo Shariif ayaa waxa ay dhabaha u xaari kartaa mowjado siyaasadeed oo culus kuwaas oo aakhirkii ku dambeyn doona in uu qabsoomo shir kale oo ballaaran oo dhexmara mucaaradka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sheekh Shariif: "Xasan Sheekh Waxa Uu Taagan Yahay Halkii Uu Ka Bilaaban Lahaa Dhicitaankiisa"

Madaxweynihii hore ayaa caddeeyey in mucaaradku ay isticmaalayaan waddooyin sharci iyo kuwo siyaasadeed.

  • Soomaliya

    17-05-2026

  • 06:55AM

IGAD Oo War Kasoo Saartay Fashilka Wadahadalka Khilaafka Doorashadda Soomaaliya

IGAD ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay in sii socoshada wada-xaajoodka siyaasadeed ay muhiim u tahay ilaalinta xasilloonida dalka.

  • Soomaliya

    17-05-2026

  • 06:44AM