Shoukry: Amniga Soomaaliya waa qeyb kamid ammaanka qaranka Masar

Image

KHAAHIRA, Masar – Soomaaliya iyo Masar waa dowlado ay tahay in ay xoojiyaan iskaashigooda dhinacyo kala duwan si gaar ah ammaanka maadaama uu isa saameynayo, sidda ay ka dhawaajisay xukuumadda Khaahira.

Sameh Shoukry, wasiirka arrimaha dibadda Masaarida, ayaa dhawaqaan wuxuu ka dhawaajiyey xilli lagu waddo in uu dhowaan la kulmo Xasan Macalin Khaliif, wasiiru dowle ka tirsan dowladda Soomaaliya.

Wasaaradda arrimaha dibadda Masar oo kulankaan iclaamisay ayaan shaaca ka dhigin goorta iyo goobta uu rasmi ahaan ka qabsoomi doono.

Bishii Maaj, 2019, Shoukry ayaa la kulmay dhigiisa Soomaaliya oo waqtigaas uu ahaa Axmed Ciise Cawad. Sidda ay warisay saxaafadda maxaliga, wuxuu adkeeyay in ay garab taagan yihiin dhismaha hay'ada dowliga Soomaaliya.

"Masar waxaa ka go'an in ay taageerto xasiloonida iyo ammaanka Soomaaliya," ayuu hadalkiisa ku daray, sidda ay warbaahinta gudaha warisay.

Shoukry ayaa ku daray "ammaanka Soomaaliya wuxuu qeyb ka yahay amniga qaranka Masar, waana in aan iska kaashanaa xoojinta xiriirkeena".

"Hogaanka siyaasadeed ee Masar wuxuu baahi weyn u qabaa in uu sarre u qaado iskaashiga Soomaaliya uu kala yeelanayo qadiyado kala duwan si gaar ah adkeynta midnimada, madax-banaanida iyo xasiloonida," ayuu kusoo xiray.

Hadalkan ayaa kusoo hagaagaya xilli warbixino soo baxaya ay tilmaamayaan Masar ay dhiseyso isbaheysi balaaran oo ka dhan ah joogitaanka Turkiga ee Soomaaliya ayna ku wehliyaan Suudaan iyo maamulka Yahuuda.

Soomaaliya ayaa muranka Masar kala dhaxeeyo Itoobiya kuna saabsan biyo xireenka webiga Nile waxay la safatay Addis Ababa, talaabadaas oo dhalisay cambaareyn maxali iyo cadaadis kaga yimid xukuumadda Khaahira.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Cali Isxaaq Subag: Xasan Sheekh baa u dhacay oo kursigeyga siiyay saaxiibkiisa

Anigoo wax dembi ah la iigu soo eedeyn, shaqadaydana wata, oo bishii lasoo dhaafayna qaatay mushaarkayga.

  • Soomaliya

    08-04-2026

  • 12:24PM

Madaxweyne Deni oo ku eedeeyay dowladda federaalka inay wiiqayso nidaamka federaalka

Wuxuu intaas ku daray in Puntland ay ka go’an tahay ilaalinta nidaamka federaalka iyo ka hortagga wax kasta oo lid ku ah. 

  • Soomaliya

    07-04-2026

  • 06:00PM