Shuruud lagu xiray duqeymaha Mareykanka ee Al-Shabaab

Image

WASHINGTON, USA – Dowladda Mareykanka ayaa isbedel ku sameysay isla markaana shuruud culus ku xirtay duqeymaha dhanka cirka ah ee ciidamadeeda la beegsanayaan hogaamiyeyaasha sare kooxaha argagixsida Soomaaliya, sidda ay daabacdey majaladda afka dheer ee The Wall Street Journal.

Sida ku xusan warbixinta, duqeymaha qorshaysan ee ka dhanka ah hogaamiyaasha sar sare, oo ay fulinayaan taliska la dagaalanka argagaxisada, ayaa hada u baahan ogolaanshiyo ka yimaada madaxda sare ee ku sugan Washington.

Shan bilood oo ka mid ah muddada xilheyntiisa, madaxwayne Joe Biden wali ka fasaxin xataa hal duqeyn cirka ah. Afhayeen u hadlay Taliska Mareykanka ee Afrika ayaa diiday inuu sharaxo sababaha keenay hakadka ku yimid duqeymaha diyaaradaha.

Sidoo kale, afhayeen u hadlay Pentagon-ka ayaa ka gaabsadey inuu sheego in taliyeyaasha aagagga ay goobeen oggolaanshaha duqeynata ama in madaxweynuhu ku qasban yahay inuu shaqsi ahaan u saxiixo codsiyada noocaas ah.

"Waa wax iska caadi ah in dowladda Mareykanka ay amarka fasaxa duqeymaha dib ugu soo celiso mas'uuliyiinta ugu sarreysa ee dhanka go'aan qaadayaasha kadib isbeddelka maamulka," ayuu yiri Gaashaanle Sarre William Zana, taliyaha howlgalka Mareykanka uu hoggaaminayo ee Geeska Afrika.

Zana ayaa wuxuu hadalkiisa ku daray: "Military ahaan, waxaan ka faa'iideysaneynaa in mas'uuliyiintaas dib loogu celiyo heer ku filan oo howlkarnimo wax ku ool ah."

20-kii Jannaayo sanadkan 2021-ka, Joe Biden ayaa loo dhaariyey xilka madaxweynaha. Tan iyo markaas, ma jirin hal duqeyn oo Mareykanku ku beegsaday Al-Shabaab.

Dagaalka Mareykanka ee ka dhanka ah al-Shabaab, oo intiisa badan ka socday daaha gedaashiisa laga soo bilaabo 2007, ayaa weli mugdi ku jira iyadoo Mr. Biden uu miisaamayo muhiimada amniga-qaranka iyo la halganka go'aannadii ugu dambeeyay ee madaxweynihii ka horeeyay ee Donald Trump.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Masar oo Bilawday Qorshe Ay Cadaadis Milatari Ku Saarayso Itoobiya

Ka dib markii uu dhacay khilaafkii u dhexeeyay Soomaaliya iyo Itoobiya ee la xiriiray heshiiskii Itoobiya la gashay Somaliland.

  • Soomaliya

    26-08-2025

  • 11:58AM

Villa Somalia oo Heshiis la gashay xubno kasoo goostay Madashii Saamatabixinta

Si kastaba, heshiiskan ayaa horseeday kala qaybsanaan muuqata oo ka dhex dhacday Madasha Samatabixinta.

  • Soomaliya

    25-08-2025

  • 12:55PM