Shuruud lagu xiray qabashada xulista kuraasta Somaliland

Image
Laba garab ayaa isku haya xubnaha gobolada waqooyi. Xal dhow iyo isu-tanaasulna ma muuqdo.

MUQDISHO, Soomaaliya - Doorashada kuraasta Somaliland ee labada aqal ma qabsoomi karto illaa xal loo helo kala qeybsanaanta guddiga maamulaya, sida uu maanta ka dhawaajiyey Cabdi Xaashi Cabdullaahi.

Afhayeenka Aqalka Sare ee baarlamaanka 10aad ee Soomaaliya ayaa fariintan ku sheegay war-saxaafadeed uu soo saarey golaha siyaasiyiinta reer waqooyiga ee fadhigoodu yahay caasimada Muqdisho.

War-saxaafadeedkaas ayaa lagu xusay in ay soo dhaweynayaan in habraacii golaha wadatashiga qaranku kasoo saarey doorashada uu waafaqsan yahay hanaankii coddeynta ee qabsoontay sanadkii 2016.

Balse, waxay hoosta ka xariiqeen in ay kasoo horjeedaan qaabka xulista ergadda, asteynta kuraasta iyo maamulka doorashadda oo ay caddeeyeen in ay u baahan tahay heshiis siyaasadeed loo dhan-yahay.

"Ugu dambeyntii, siyaasiyiinta kasoo jeeda Somaliland waxay u taagan yihiin midnimada dalka iyo xoojinta wadajirka Soomaaliya ayna xaq u leeyihiin in ay ka tashadaan aayahooda oo ay qabsadaan doorasho madax-banaan, hufan xor iyo xalaal ah," ayaa lagu soo xiray bayaanka.

Maadaama Somaliland tan iyo 1991-dii sheegato madax-banaani, wakiilada ku metela labada gole ee federaalka Soomaaliya ayaa lagu xulaa Muqdisho waana mid kamid ah sababaha daahiyey codeynta heer qaran.

Laba garab ayaa isku haya kuraasta gobolada waqooyi. Cabdi Xaashi iyo ra'iisul wasaare ku xigeenka Mahdi Guuleed. Labada shaqsi waxay la kala safan yihiin dowlada iyo mucaaradka. Xal dhowna ma muuqdo.

Hoos ka akhriso qoraalka siyaasiyiinta gobolada waqooyi

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Jubbaland iyo Danab oo Ku Dhow Inay Jamaame Kala wareegaan Al-Shabaab

Dadka deegaanka ayaa u sheegay warbaahinta in qaar badan oo ka tirsan dagaalyahannada Al-Shabaab ay dib ugu gurteen dhinaca Jilib.

  • Soomaliya

    20-11-2025

  • 11:38AM

Gollaha Wasiirrada Soomaaliya oo Ansixiyay Heshiisyo iyo Shuruuc Muhiim ah

Xildhibaanadu waxay kaloo oggolaadeen Axdiga Ururka Caalamiga ah ee Dayax-gacmeedka Guur-guura.

  • Soomaliya

    20-11-2025

  • 10:23AM