Shuruud lagu xiray sii wadida taageeradda howlgalka AMISOM

Image
Soomaaliya ayaa dalbatay in howlgalka la joojiyo si dalka uu ula wareego waajibaadka ilaalinta baddeeda.

MUQDISHO, Soomaaliya – Midowga Yurub ayaa dalbanaya in wax laga bedelo qaab dhismeedka uu ku shaqayn doono howlgalka Midowga Afrika ee  Soomaaliya AMISOM marka uu dhamaado mudo xileedka howlgalka, iyadoo xoogga la saarayo dib u dhiska hay’adaha dowladda Soomaaliya ee burburay.

Josep Borrell Fontelles, oo ah Ergeyga Sare ee Midowga Yurub ee Arrimaha Dibadda iyo Siyaasadda Amniga, ayaa u sheegay wargayska The East African in Midowga Yurub ay isku raacsan yihiin in Soomaaliya loo xaqiijiyo in aysan suurta gal ahayn in howlgalka la joojiyo iyada oo aan la helin bedel ku filan.

Laakiin waxa uu soo jeediyay in Midowga Yurub aanu maalgelin doonin Hawlgalka iyadoo lagu salaynayo qaab dhismeedkiisii hore ee xoogga saarayay dagaalka iyo ciidamada dhulka jooga oo aan fiiro gaar ah u lahayn dib u dhiska hay’adaha dowliga ah.

AMISOM, oo ah ciidamada Midowga Afrika ee la dagaalanka argagixisada, ayaa la sameeyay sanadkii 2007-dii, waxaana golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay u xilsaaray in ay hawlgalaan Soomaaliya. Laakiin Midowga Yurub wuxuu bixiyaa boqolkiiba 90 miisaaniyadiisa hawlgelinta.

Sanadkii 2017, Midowga Yurub ayaa dib u dhigay maalgelinta, isagoo sabab uga dhigay baahida sii kordheysa ee lagula dagaalamayo argagixisada ee ka baxsan Geeska Afrika.

Howlgalka ayaa waxa uu ku socdaa kala guur iyadoo wadahadalo u dhaxeeya Soomaaliya iyo Midowga Afrika ay horay u soo afjareen howlgal ku meel gaar ah oo doonayay in lagu caawinayo dowladda si dalku ula wareego mas’uuliyadda amniga sano ka dib hadana la siidiyaariyo ciidanka qaranka SNA.

Bisha Maarso, Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa la filayaa inuu go'aan ka gaaro masiirka howlgalka, lagana yaabo inuu u beddelo inuu yeesho waajibaad ballaaran balse waxa ay ku xirantahay go’aanka ay gaaraan xubnaha golaha amaanka ee Qaramada Midoobay.

"Dadaalladaas, dadaallada maaliyadeed oo dhinac ah iyo dadaalka milatari oo dhinaca kale, ma aysan keenin natiijooyin ku filan, waxaana qabaa in Amisom ay tahay in dib loo eego," Fontelles ayaa sidaasi u sheegay wargayska.

"Ma doonayno inaan ka tagno Soomaaliya. Ma dooneyno inaan joojino maalgelinta Amisom, laakiin waxaan u baahanahay inaan dib u eegis ku sameyno sida ay u shaqeyso si aan u xaqiijino in natiijooyinku ay wanaagsan yihiin."

Kenya, Uganda, Burundi, Ethiopia iyo Djibouti ayaa ciidamo ku biiriyay howlgalka AMISOM. Dhammaantood waxay codsadeen in loo beddelo cudud dhinacyo badan leh, taas oo ay Soomaaliya diiday. Soomaaliya ayaa sidoo kale diiday fikradda ah in waqtiga Amisom loo kordhiyo wixii ka dambeeya March.

Toddobaadkii hore, Midowga Afrika ayaa soo jeediyay in la dhiso ciidamada Midowga Afrika ee ku-meel-gaarka ah ee Soomaaliya (ATMIS) oo yeelan doona waajibaad la mid ah kan Amisom, balse ka shaqeeya sidii urur diyaariya oo gacan ka geysanaya xilliga kala guurka ah si Soomaaliya ay laba jeer u qaadato waajibaadka amniga. sano iyo wax ka badan.

Ma cadda in ay sii wadi doonaan dirista ciidamada.

ATMIS-Ka uu soo jeediyay midowga Afrika wuxuu yeelan lahaa isku xirnaan xooggan oo ka dhexeeya ciidamada, wax ka maqan Amisom, oo ay ku jiraan arrimaha anshaxa.

Hawlgalka nabadda

Laakiin Midowga Yurub waxa uu ka walaacsan yahay in diiradda milatari oo joogto ah ay ku guul darreysato in ay wax ka qabato sababaha keenay ammaan-darrada muddada dheer ee Soomaaliya, hay’adaha dawladda oo daciif ah iyo fursado dhaqaale oo yar.

"Haddii (Hawlgalka) maraakiibta Atalanta ay baxaan, burcad-badeednimadu si degdeg ah ayay u soo noqonaysaa sababtoo ah Soomaaliya la lahan ciidan awood u leh difaaca bada. Haddii Amisom ay ka baxdo Soomaaliya, way adag tahay in ay iska caabiso Burcada. Markaa waxaan u baahanahay dadaalka Afrikaanka, waxaana u baahanahay taageerada dhaqaale ee Midowga Yurub, laakiin waa in dib loo eego,” ayuu yiri Mr Fontelles.

"Waxaan rabnaa howlgal wax ku ool ah, waana ka wada hadlaynaa arrintaas, waxaana rajeynayaa inaan awoodno inaan gaarno heshiis si aan u sii wadno bixinta taageerada maaliyadeed."

Sidoo kale waxa uu soo hadal qaaday howlgalka la dagaalanka Burcadbadeeda ee Midowga Yurub tan iyo sanadkii 2008-dii ka waday Badda Soomaaliya iyo Gacanka Cadan oo horay loo oran jiray Ciidamada Badda Midowga Yurub ee EUNAVFOR.

Soomaaliya ayaa dalbatay in howlgalka la joojiyo si dalka uu ula wareego waajibaadka ilaalinta baddeeda.

ATMIS, oo u baahnaan doona ansixinta Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, waxaa laga yaabaa in aysan yeelanin wax la mid ah kuwa ku deeqay ciidamada maadaama mid kasta oo ka mid ah ciidamada hadda jira uu u baahan doono inuu si mutadawacnimo ah ugu biiro.

Howlgalka ku meel gaarka ah ayaa sidoo kale soo jiidan doona ciidamo ka kala socda qaarada Afrika, inkastoo aysan cadeyn in dalal kale ay wax ku biirin karaan. Horay ayaa ciidamada Sierra Leone waxa ay ugu deeqeen ciidamada Amisom balse ma aysan bedeli karin ciidamadii soo dhameystay safarkooda markii Galbeedka Afrika uu ka dilaacay cudurka Ebola.

Kahor xilliga kala guurka Amisom, ciidamada ku deeqay waxay dalbadeen dammaanad lacageed oo ku saabsan dhaqaalaha, iyagoo soo jeediyay in QM ay bixiso kharashka hawlgallada.

Laakiin illo wareedyo ayaa u sheegay The East African in dhammaan xubnaha VETO-ku haysta ee Golaha (Faransiiska, Ruushka, UK, US iyo Shiinaha) aysan ku qanacsanayn nidaamkan oo kale maadaama ay furi karto qulqulka dalabaadka si loo maalgeliyo hawlgallada la midka ah ee adduunka oo dhan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya iyo Ciraaq oo is-dhaafsanaya khibradaha dhanka amniga

Xamsa ayaa dalka Baxreyn kula kulmay Madaxweynaha Dalka Ciraaq, Abdul Latif Rashid.

  • Soomaliya

    16-05-2024

  • 03:28AM

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ubax dhigay taalada SYL ee Muqdisho

Talaabadan ayaa waxa ay qeyb ka tahay xuska 81-sano guurada kasoo wareegatay aas-aaska SYL.

  • Soomaliya

    15-05-2024

  • 12:45PM