Immisa qof ayaa la xaqiijiyay inay saameysay xogta la jabsaday ee E-VISA?

Image

Muqdisho — Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaalidu waxay xaqiijisay in “is-dhexgal sharci darro ah” lagu sameeyay nidaamka E‑Visa, taasoo keentay in xogta shaqsiyeed ee kumanaan dalal kala duwan ka yimid la shaaciyo. 

Wararka waxay tilmaamayaan in xogta la helay ay tahay mid xasaasi ah — sida sawirrada baasaboorka, qorshayaasha socdaalka, magacyada, cinwaanada iyo taariikhaha dhalashada — iyadoo dhaqaale ahaan lagu qiyaasay in ay saameeysay in ka badan 35,000 codsadayaal. 

Sidoo kale, warbixin qarsoodi ah ayaa shaaca ka qaaday in nidaamka lacag-bixinta ee fiisaha lagu bixiyay Online-ka ka jira musuq-maasuq, iyadoo ay qaadayaan Shirkad Emprire lagu magacaabo oo qoyska Xasan Sheekh soo kireystay iyo Premier bank. 

Ka dib marka xatooyadan xogta la ogaado, hay’addu waxay qabatay guddiga baadhista heer qaran oo ay ka mid yihiin hay’adaha amniga iyo khubaro caalami ah, si loo ogaado asalka weerarka iyo saameynta uu leeyahay. 

Intaa waxaa sii dheer, Wasiirka Amniga Soomaaliya, Cabdullahi Sheekh Ismail Fartaag, ayaa xil ka qaaday saraakiil katirsanaa Hay’adda Socdaalka, si loo xoojiyo maamulka hay’adda. 

Dhanka kale, xaqiiqada jabsashada waxay sare u qaadday cabsida laga qabo nidaamka E-VISA, oo la billaabey bishii lasoo dhaafay, si dadka ajaaniibta ah ee dalka imaanaya ugu helaan qaabka Online-ka ah, iyadoo dibada jooga.

Somaliland iyo Puntland ayaa horey u diiday nidaamka cusub ee fiisaha elektarooniga ah isla markaana sheegay in ay tahay mid lagu xadgudbay maamulka hawada dalka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Halkee marayaa cadaadiska Dowladda Federaalka ku hayso ATMIS iyo diidmada Lafta-Gareen?

Wararka laga helayo ilo xog ogaal ah ayaa sheegaya in kulan u dhexmarey taliye sare oo…

  • Soomaliya

    19-03-2026

  • 04:40PM

Laftagareen oo Baydhabo ka bilaabay kulamo ku saabsan “faragelinta” dowladda Federaalka

Madaxweynaha ayaa intaas ku daray in xiriirka u dhexeeya labada heer ee dowladda uu noqdo mid ku dhisan ixtiraam iyo wada-tashi dhab ah.

  • Soomaliya

    19-03-2026

  • 12:28PM